Galmudug oo la wareegaysa shirkado duulimaad

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa soo saaray digniin loo jeedinaya qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanada maamulkaasi, iyaga oo looga digay iney ku dhawaadaan taageerada ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Taliyaha hayada nabad sugida maamulka Galmudug oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa digniin u jeediyay dadka gaadiidka kala duwan iska leh ee ka howl gala magaalooyinka Galmudug, isaga oo sheegay iney gaadiidka kala wareegi doonaan shaqsiyaadka ay ku arkaan iney caawinayaan Alshabaab.

Digniinta ayaa sidoo kale loo jeediyay dadka kireeya guryaha magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada Galmudug, iyaga oolooga digay iney guryahooda kusoo dhaweeyaan shaqsiyaadka Alshabaabka ah, waxaana uu taliyaha sheegay in gurigii lagu arkaa falkaasi lala wareegi doono lagana dhigayo saldhiga ciidamada nabad sugida leeyihiin.

Sidoo kale digniinta ayaa loo jeediyay shirakadaha duulimaadyada ee ka shaqeeya Galmudug iyaga oo looga digay iney u sahlaan in xubnaha Alshabaab ka dhoofaan ama kasoo dagaan garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka maamulka Galmudug.

“Waxaan la wareegi doonaa dhamaan hantida ay leeyihiin dadka aan soo sheegnay ee quryaha kireeya, baabuurta Alshabaab kusoo qaada iyo kuwa diyaaradaha ku dhoofiya haddii ay intaba Alshabaab la shaqeeyaan wax walbana u sahlaan”ayuu yiri taliyaha nabad sugida Galmudug Saadaq Cumar.

Arinta ayaa kusoo aadeyso iyadoo shalay maamulka Puntland uu soo saaray digniin lagu mamnuucaya gaadiidka leh muraayadaha madow.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com