Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug, guusha taariikhiga ah ee ay ka gaareen doorashooyinkii shalay si nabad ah uga dhacay deegaannada dowlad-goboleedka Galmudug.
Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay madaxda dowlad-goboleedka Galmudug, guddiga doorashooyinka, hay’adaha amniga, ururrada siyaasadda iyo dhammaan shacabka Galmudug dadaalkii, wadajirka iyo masuuliyadda ay muujiyeen, kuwaasi oo horseeday in doorashooyinkani ku qabsoomaan jawi nabdoon.
“Waxa ay ahayd maalin taariikhi ah oo ay si sharaf, ilbaxnimo iyo kalsooni leh ugu soo baxeen odayaasha, hooyooyinka iyo dhallinyarada, kuwaasi oo intooda badan markii ugu horreysay codkooda ku dhiibtay doorasho toos ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale wuxuu arrintan ku tilmaamay inay tahay farriin cad oo tarjumaysa in bulshada Soomaaliyeed ay diyaar u tahay xoojinta dimuqraadiyadda, dowladnimada iyo in codka muwaadinka uu noqdo saldhigga hoggaanka dalka.
“Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa ururrada siyaasadda ee maalmihii loo asteeyay ololahooda ka sameeyey dhammaan deegaannada Galmudug, iyaga oo muujiyey tartan ku saleysan xamaasad, is-ixtiraam, nabad iyo u hoggaansanaanta sharciga,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Hab-dhaqankan bisil ayuu sheegay inuu caddeeyay in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed uu noqon karo mid lagu tartamo si nabad ah, iyadoo la ilaalinayo midnimada bulshada iyo danta qaranka.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed dib loogu soo celiyo xuquuqdooda dastuuriga ah, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin in ay si xor iyo xalaal ah u doortaan hoggaankooda.
“Tani waa ballan aan horay u qaadnay oo aana marnaba laga gorgortami doonin, waayo codka shacabka waa tiirka dowladnimada, dimuqraadiyadda iyo horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

