Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo mid ku geeriyooday…

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo ku sugnaa tuulada Phillipi oo ka tirsan magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika.

Koox burcad Afrikaan ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mowliid Xuseen Gacal, waxaana xilliga la dilayey uu waday gaari siday adeeg ganacsi oo kala duwan.

Dilka kadib waxaa goobta ay wax ka dhaceen gaaray ciidan ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo sameeyey howlgallo kooban, balse ma jiraan cid ay gacanta kusoo dhigeen.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan Cape Town oo ka hadlay dilka Mowliid ayaa sheegay inay xanuun ku reebtay dhacdadan, isla-markaana ay ka wal-waleen falka lagu dilay marxuumka oo ka mid ah ganacsatada firfircoon ee ku dhaqan halkaasi.

Dhinaca kale muwaadin kale oo Soomaaliyeed, isla-markaana lagu magacaabi jiray Saacid Maxamed Xasan ayaa isna geeriyooday, kadib markii gaarigii uu waday uu Buundo kala dhacay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid saaxibadiisa.

Saacid ayaa shilka ku galay wadada ka timaadda Fish Hoek oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, wuxuuna ka mid ahaa darawalada gaawrida ee Uber Taxis.

Inta badan Koonfur Afrika waxaa ka dhaca weeraro ka dhan ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, kuwaas oo wajahaya dil, dhaawac iyo boob ay u geysanayaan burcad hubeysan.