Gantaalo culus oo mar kale lagu garaacay Xero ay ku sugnaayen..

Muqdisho (Caasimada Online)-Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ka geystay deegaano hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradahaani ayaa duqeeyay deegaanka lagu magacabaao Weelmaarow oo qiyaas ahaan 30 KM u jira degmada Afmadow.

Deegaanka la duqeeyay ayaa waxaa ku yiilay Saldhigyo ay lahaayen maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana lasoo sheegayaa in Khasaaro uu ka dhashay duqeynta.

Saldhiga duqeynta lala beegsaday ayaa waxa uu ahaa midka qura ay maleeshiyada ku lahaayen deegaankaasi, waxa ayna dadka deegaanka sheegayaan in duqeynta kadib ay maleeshiyada jareen isgaarsiinta iyo wadooyinka ugu muhiimsan.

Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaasi cirka ah ee ka dhacay deegaanka Weelmaarow ee Al Shabaab ay ka arrimiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com