Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta jawi saxmad leh laga dareemayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in saacadaha soo socda ay kusoo fool leeyihiin Hogaamiyayaasha maamulada dalka.
Hogaamiyayaasha maanta la sugaayo ayaa waxaa kamid ah Koonfur Galbeed iyo Puntland oo Saacadaha soo socda lagu wado in ay soo gaaran Muqdisho si ay uga qeyb galaan Caleemasaarka Madaxweynaha.
Garoonka ayaa waxaa hadda ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan DFS kuwaa oo soo dhaweynaaya Diplumaasiyiin ka kala socta Dowladaha Africa kuwaa oo lagu martigaliyay Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo.
Diplumaasiyiinta lagu soo dhaweynaayo Garoonka Aadan cadde ayaa waxaa ku jira Safiiro dhowr ah oo ka howlgala magaalada Nairobi, kuwaa oo casuumaad ka helay Madaxweynaha.
Sidoo kale, Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa kasoo degi doona Madaxweynayaal, Ra’isul wasaarayaal iyo Wasiiro xilal ka haya Dowladaha africa kuwaa oo casuumaad ka helay Madaxweyne Farmaajo.
Maalinta Arbacada ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhici doonta Munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

