Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii Garoowe iyo Puntland oo dalab culus hor-dhigtay DF Soomaaliya

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dalbaday in laga qeyb galiyo gorgorka iyo heshiis walba oo saameynaya dowladdaha xubnaha ka ah dowladda fedraalka ah ee Soomaaliya.

Puntland waxey dalbanaysaa iney qeyb ka noqoto Wadahadalada u dhaxeeyada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay shirka jiheynta siyaasada Puntland oo garoowe lagu soo gabagabeeyay.

Sidda ku cad war-murtiyadeedka, Puntland ayaa adkeynaysa midnimada Soomaaliya, nidaamka federaalka, hirgelinta hanaanka xisbiyada badan oo uu wadanku hiigsanayo iyo dhameystirka dastuurka.

Xubnaha shirka maanta lagu soo xiray Garowe ka qaybgalay waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyada ay leedahay in dowlada iyo maamulada ay xiriir dhow yeeshaan, ayna iska talageliyaan heshiisyada saameynaya degaanadooda.

“Sidaasi awgeeda, Puntland waa in ay qayb ka tahay wadahadal walba oo saameynaya degaanadeeda, gaar ahaan wadahadalada u dhaxeeya dowlada federaalka iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland iyo Puntland oo wadaaga xuduud ayaa waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah oo ku saabsan gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasoo ciidamo ay ka kala joogaan.