Gobol kamid ah Somalia oo laga mamnuucay Indha shareerka & Mootoyinka

Muqdisho (Caasimada Online)-Amar kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe ee DFS ayaa waxaa lagu mamnuucay isticmaalka Niqaabka iyo Mootooyinka Seddex lugaaleyda ee loo yaqaan Bajaajka.

Maamulka ayaa sheegay in inta badan maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku dhuumaaleystaan Indhashareerka iyo Mootooyinka Bajaajka loo yaqaan waxa uuna maamulka Ciidamada amaanka faray in Jeelka la dhigo cidii lagu qabto Indhashareerka iyo wadayaasha Mootooyinka Bajaajka.

Agaasimaha dhinaca warfaafinta ee Maamulka Shabellada Dhexe Cabdikaren Macalin Aalos ayaa sheegay in cidii lagu arko labadaasi arrin ee la mamnuucay ay muteysan doonto xarig, waxa uuna ku baaqay in loo hogaansamo amarka kasoo baxay maamulka.

Cabdikariin Cumar Macalin ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka reer Jowhar ka shaqeynta bilicda si buu yiri ay dib u soo labato bilicdii lagu yaqiinay Xarunta Gobolka Sh/Dhexe ee Jowhar.

Dhanka kale, bixinta amarkaani ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweyne Xassan uu shaaciyay in Gogosha shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ay taallo magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com