Gobolka Banaadir oo ku dhowaaqay go’aan uga sii daraya xiisadda taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir oo haatan xiisad ay kala dhexeyso xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, gaar ahaan wasaaradda amniga ayaa ku dhowaaqay go’aan kale oo uga sii dari karo xiisadda.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa sheegay in cid aanan aheyn maamulka gobolka hadda kadib lagala tacaamuli doonin arrimaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan amniga.

Cali Yare oo si toos ah weerar ugu qaaday xukuumadda ayaa tilmaamay in inta lagu jiro doorashada uu gobolka Banaadir u madax bannaan yahay taladiisa & amnigiisa.

“Inta doorashada lagu jiro maamulka gobolka Banaadir wuxuu u madax bannaan yahay taladiisa, siyaasaddiisa iyo amnigiisa. Ma jiro qof kale oo arrintaas amniga ku saabsan lagala tacaamuli karo nooc kasta oo ay tahay,” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan ula simanahay wasaaradda amniga sida gobollada kale ee Soomalaiyeed, haddii aan waraaqaha wasaaradda amniga ka socon karin Boosaaso, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo ma jirto sabab culeys gaar ah loo saaro gobolka Banaadir” ayuu hadalkii sii raaciyey guddoomiye ku xigeenku.

Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay odayaasha dhaqanka ee dib loogu dhigay dibad-baxii ka dhanka ahaa isku daygii Afgembi ee Farmaajo, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay tahay sababta ay uu diideen amniga caasimada dartiis.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii u dmabeeyey ay hadallo kulul warbaahinta isku marinayeen madaxda gobolka Banaadir iyo wasaaradda amniga oo horay u shaacisay inay iyadu fasaxday dibad-baxa nabeed ee haatan dib loo dhigay.

Si kastaba, haddii uu sii socda dagaalkan siyaasadeed ayaa saameyn kara amniga caasimada iyo wada-shaqeynta xukuumadda & gobolka oo ku xiran Villa Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii