Golaha Ammaanka QM oo kulan deg dega ka yeeshay xaaladda SOOMAALIYA

 New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah oo albaabada u xirnaa ka yeeshay xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan qabsoomida doorashada dalka ee 2021-ka.

Golaha ayaa marka ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada inay xal ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya, si deg deg loogu qabto doorashooyinka.

Sidoo kale golaha ammaanka ayaa isla qaatay bayaan ay soo diyaarisay UK oo walaac looga muujiyey xaaladda kala guurka ah ee ay haatan ku jirto Soomaaliya.

15-ka xubnood ee golaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho wadar ogol ah, si looga baaqsado khilaaf hor leh.

“Waxa ay carrabka ku adkeeyeen in ay danta guud ee Soomaalida oo dhan ku jirto ay tahay in la hubiyo in doorasho loo wada dhan yahay ay u dhacdo sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalkan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadayo, iyadoo aysan weli wax natiijo ah kasoo bixin dadaalladii ay waday beesha caalamka ee la’isugu keenaya dhinacyada isku haya doorashada, siiba dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.