Golaha Mustaqbalka oo caawa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay gashay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dalka uu u baahan yahay badbaado qaran, uuna haatan galay xaalad halis ah, sida ay sheegeen.

Golaha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu god dheer ku riday Soomaaliya, isla markaana uu dalka ku sii hayo sharci-darro, iyagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaagaan badbaadada dalka.

“Waxaan u arkaa xilliga hadda la joogo, iyadoo muddo-xileedkii dowladda uu dhammaaday, doorasho heshiis lagu yahayna aysan dalka ka jirin, inay tahay nasiib-darro. Bani’aadamku wuxuu wax ka bartaa wixii hore, in meeshii la joogi jiray maalin walba la taagnaado waxay dhaawac ku tahay dadka Soomaaliyeed iyo adduunkaba,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shariifka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay haatan gashay marxaladdii Afghanistan oo kale, ayna weliba ka sii liidato, sida uu hadalka u dhigay.

“Lacagta Soomaaliya lagu bixinayay iyo tan Afghanistan lagu bixinayay iskuma dhowa. Sidan oo kale madaxweynihii markaas joogay waxaa laga kari waayay war dadka la heshii. Laba ciladood oo waaweyn oo Afghanistan u duntay ayaa Soomaaliya ka jira, kuwaas oo ahaa heshiis la’aan iyo musuq-maasuq, waxaana u maleynayaa inaan musuqa ka badanahay.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa si weyn u weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in dalka uu ku wado xaalad dib ugu celinaysa burburkii.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka halis ayuu ku jiraa. Kaalmadii ciidamada Afrikaanka ah ee dalka jooga iyo tii Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab waa la jartay, sababo la xiriira hubanti la’aanta dowladda waqtigeedu dhammaaday dalka u horseedday,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo muuqaallada:

- Advertisement -

Read more

Local News