Goob ay Shabaab ku kaydin jireen ‘alaadaha marin habaabinta’ oo la burburiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal ay Ciidanka kumaandooska DANAB gaar ahaan Horinta Gaadiidka Gaashaman Ee MU ka fuliyeen deegaanada Ka-lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan ayaa lagu burburiyay goob ay Al-Shabaab si qarsoodiya ugu kaydin jireen waxyaabaha ay ku marin habaabiyaan bulshada, kuwaas oo ay ka mida ahayeen Cajalado DVD, Bugaag, Kaydiyaal iyo sidoo kale Baasabooro fara-badan.

Sidoo kale waxaa howl-galka lagu soo qabtay labo xubnood oo kamid ah kooxda Al-Shaaab, sida ay sheegeen Saraakiisha howl-galka hogaamineysay.

Sidoo kale waxay sheegeen saraakiishu in howl-gallada ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga degaanada ku teedsan wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada DANAB ayaa sare u qaaday maalmihii dambe howl-galada ka dhanka ah, ayaga oo shalayna sidan oo kale howl-gal qorsheysan ku bur-buriyay taliskii qaraxyada ee kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq-dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale waxa howl-galkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo gacanta looga dhigay maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada isugu jira miinooyinka dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ee lagu xiro baabuurta iyo guryaha.