“Hantida lasoo celinayo ma ahan Xamar kaliya waxaa ku jira gobolada waqooyi”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay waxyaabaha ugu horeeya ee ay qaban doonaan guddiga soo celinta hantida qaranka.

Wasiir Goodax oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddigaasi oo uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hantida lasoo celinayo kaliya inaan laga celin doonin magaalada Muqdisho.

Dhamaan gobolada dalka Soomaaliya ayuu sheegay in hantidaasi laga soo celin doono, islamarkaana wuxuu cadeeyay in gobolada waqooyi “Somaliland” ay ku jiraan meelaha laga soo celinayo hantida.

Guddoomiyaha Guddiga soo celinta Hantida qaranka ayaa sidoo kale sheegay in la isla gartay in wasaarad walbaa laga doonayo ugu yaraan inay soo celiso kana shaqeysiiso seddex hanti qaran oo cidna aysan ku jirin iyo ugu yaraan labo Hanti Qaran oo shaqsiyaad ama shirkado ay gacanta ku hayaan.

Taasi ayaa ka dhigan in wasaarad walbaa laga doonayo inay soo celiso seddex Hanti qaran islamarkaana ka shaqeysiiso.

Waxaa la isweydiinayaa sida xukuumadda Soomaaliya ay usoo celin doonto goobaha dowladda ee ku yaala gobolada waqooyi ee dalka, iyadoo la og yahay in gobolada waqooyi ka dhismay maamulka Somaliland tan iyo burburkii dalka.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda ma uusan sheegin hanaanka ay dhaqan gelinta qorshahaasi u mari doonaan, balse wuxuu cadeeyay inay ku jiraan qorshayaasha ay isku fahmeen guddigan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com