26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Goormee ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka u dhexeeya DFS & Maamul Goboleedyada dalka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maalinta beri oo ku beegan Sabti uu Magaalada Muqdisho shir uga furmo Madaxda ugu sareysa dalka iyo Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hada ku sugan inta badan Hogaamiyayaasha Gobolada dalka, oo usoo diyaar garoobay shirka.

Shirkaani ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo farabadan oo khuseeya dalka, waxaana diirada lagu saari doonaa shirka la filaayo in dhawaan uu ka furmo magaalada London ee cariga dalka Ingriiska.

Shirka ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ku wehlin doona Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre.

Ujeedka ugu weyn ee shirkaani ayaa ah xoojinta xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii ajenda mideysan looga qaadan lahaa kulanka la filayo in uu dhawaan ka dhaco magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa sidoo lagu dajin doonaan qorsho looga hortagaayo is bar bar yaaca madaxda Soomaalida marka ay jiraan kulamada heerka caalami ah ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya, waxaana Hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada la farayaa in shirka iyo ajendaha lala tagayo intaba looga danbeeyo dowladda dhexe.

Dowladihii ka horeeyay Dowlada uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo ayaan awood u lahaan jirin xakameynta Hogaamiyayaasha iyo in shirka ka hor lala shiro Xubnaha maamulada u matalaaya shirka, taa oo keeni jirtay is barbar yaac.

Dowlada Britain ayaa dhowr jeer oo hore soo qabanqaabisay kulamo heer caalami ah oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka mid tahay dowladdaha taageerada dhaqaale siiya Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News