26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Goorta uu dhacayo shirka G/dhexe iyo caasimadda maamulka oo la shaaciyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta tagay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqay waqtiga rasmiga ee uu furmayo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Hadal uu ka jeediyay degmada Dhuusomareeb ayuu ku sheegay in 1 bisha March ee soo socota uu shirkaasi ka furmi doono magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb si loo sameeyo maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Wuxuu sheegay in muddada ka dhiman la dhameystiri doono howlaha gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, si loo mideeyo Galgaduud iyo Mudug.

Sidoo kale Xasan Sheikh madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in caasimada maamulkaasi ay tahay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud halkaasina uu maamulka u shaqeyn doono.

Wuxuu sidoo kale maanta si rasmi ah u furay shirka wadatashiga ee u dhaxeeya beelaha wada daga deegaanada Galgaduud iyo Mudug kaasi oo maalmahaan ka socday degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada gobolka oo idil inay ka qeyb galaan shirka dib u hishiisiinta ee ka soconaya degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News