Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Kumaandooska ee Gorgor oo kaashanaya howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa gacanta ku dhigay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada.
Sarkaalka ayaa magaciisa lagu sheegay Salaad Cusmaan Macalin, oo 40 jir ah, waxaana laga soo qabtay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka laga helayo ciidamada ayaa sheegaya in ninkan uu ka tirsanaa saraakiisha Al-Shabaab ee qaabilsanaa basaasidda iyo qorsheynta weerarrada lagu qaado xeryaha iyo saldhigyada ciidamada dowladda.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in qabashada ninkan ay ka dambeysay xog uruurin muddo socotay, isla markaana uu door muhiim ah ku lahaa isku dubaridka weerarro lagu beegsan lahaa fariisimaha ciidamada iyo goobaha muhiimka ah.
Qabashadiisa ayaa lagu tilmaamay dhabar-jab ku yimid shabakadaha basaasidda ee kooxda Al-Shabaab.
Dhinaca kale, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka wada bariga gobolka Hiiraan ayaa weerar dhabagal ah ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Abaar Cano-weyn, oo u dhexeeya deegaanka Yasooman iyo degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Weerarkaasi ayaa la sheegay in lagu beegsaday gaari nooca Cabdi-bile ah oo ay wateen maleeshiyaadka, waxaana halkaasi lagu gubay gaarigii, laguna dilay dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa, sida warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Kornayl Cali Cagey.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii fuliyay howlgalka ay si nabad ah ugu soo laabteen goobihii ay ka baxeen, kadib markii ay fuliyeen weerarka, isla markaana ay soo qaniimaysteen hubkii ay wateen maleeshiyaadka la dilay.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii kordhaya ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan awoodda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada dhaca bartamaha iyo koonfurta dalka, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo joogto ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in howlgallada milatari ee socda ay ujeedkoodu yahay ciribtirka Al-Shabaab iyo dib u soo celinta deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda, iyadoo ciidamada ay marar badan guulo ka sheegteen howlgallada ay ka fuliyaan gobollada dalka.

