Guddi ka tirsan Senate-ka MAREYKANKA oo ansixiyey sharci muhiim u ah S/LAND

Washington (Caasimada Online) – Sharci muhiim ah oo aas-aasi kara xiriir toos ah oo dhex-mara dowladda Mareykanka iyo Somaliland ayaa shalay ka gudbay marxalad muhiim ah, ayada oo ansixiyeen guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharcigan loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale farayaa, in ayada oo la-tashi la sameyneysa Waaxda Gaashaandhigga, inay darsaan aas-aaska xiriir toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland. 

Guddiga xiriirka arrimaha dibedda Mareykanka ee Aqalka Senate-ka ayaa meel-mariyey xeerkan, wuxuuna hadda u gudbayaa Aqalka Senate-ka Mareykanka oo dhameystiran, si cod loogu qaado. Haddii uu ansixiyo, wuxuu sidoo kale u baahnaan doonaa inuu soo ansixiyo Aqalka Wakiilada kadibna uu saxiixo madaxweyne Joe Biden, si uu u dhaqan galo. 

“Waqtigan adag ee arrimaha caalamka iyo Geeska Afrika, Maraykanku waa inuu sahamiyaa dhammaan xiriirada faa’iidadau leh labada dhinacba oo uu la yeesho saaxiibada dimoqraadiga ee xasilloon, sida Somaliland oo kale, oo aynaan isku koobin habab siyaasadeed duugoobay iyo qaab-dhismeed diblomaasiyadeed oo aan ku habboonayn inuu la jaanqaado caqabadaha maanta jira,” waxaa sidaas yiri Chris Van Hollen (D-Md).  

“Waxaan aad ugu faraxsanahay taageerada xooggan ee uu sharcigan ka helay saaxiibadeena guddiga,” ayuu yiri Van Hollen. 

Sidoo kale, wakiilka Somaliland ee Washington Bashir Goth ayaa ansixinta ku tilmaamay guul iyo tallaabo muhiim ah, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in Aqalka Senate-ka oo buuxa uu meel-mariyo. 

Sharcigan ayaa markii ugu horeysay la qoray bishii March kadib markii uu Washington booqday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaasi oo uu kula kulmay xubno uu ka mid yahay Senator Chris Van Hollen.