Daawo: FARMAAJO guddi u magacaabay aaska Cali Mahdi amarna bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay geerida Allaha u naxariistee madaxweynihii Cali Mahdi Maxamed ayaa ugu horeyn tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku.

Allaha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa caawa maqribkii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cali Mahdi, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaan ku xasuusanaynaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigayo Calanka Jamhuuriyadda, si loo muujiyo murugada geeridan ku timid Madaxweynihii hore ee dalka.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso ‘dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.’

Madaxweynaha ayaa ugu sambeyntii yiri, “Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.”

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga aaska madaxweyne Cali Mahdi, kaas oo guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga Xasan Xundubey, waxayna kala yihiin xubnaha guddigaas.

1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
6. Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab), Xubin
7. Durraan Axmed Faarax, Xubin
8. Cumar Cali Rooble, Xubin
9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
10. Xil. Maxamed Axmed Abtidoon, Xubin
11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin.

Hoos ka Daawo MW Farmaajo