Guddiga doorashada 2021 oo lagu dhowaaqayo iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo ay si rasmi ah ugu dhowaaqdo liiska xubnaha guddiga farsamada ee ka shaqeynaya doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka.

Dhismaha guddigan oo ay min labo xubnood ku leeyihiin dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa lagu waday in la soo dhowaaqo illaa 10-kii bishan oo shalay ku beegneyd, balse ma suura-gelin ballantaasi oo lagu cadeeyey habraacii doorashada ee la soo saaray.

La-taliyaha arrimaha doorashooyinka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo lagu magacaabo, Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa xusay in maanta lasoo gaba-gabeynayo guddiga, kadibna lagu dhowaaqayo.

Cumar Dhagey ayaa shaaciyey in maamul goboleedyada qaar ay soo gudbiyeen liiska xubnaha ku metalaya guddiga farsamada iyo xalinta khilaafaadka doorashada 2020/2021, isaga oo si gaar ah u carab baabay maamullada kala ah Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maanta la sugayo maamullada kale ee Puntland, Galmudug iyo Hir-Shabelle.

“Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed & Jubbaland ayaa soo gudbiyay xubnaha Guddiyada ah ee laga sugayay si ay ugu shaqeeyaan arrimaha Doorashada iyada oo la raacayo shuruudaha ku xusan qofka kamid noqonaya xubnaha Guddiga” ayuu yiri la-taliyaha arrimaha doorashooyinka xafiiska ra’iisul wasaare Rooble, Cumar Dhagey.

La-taliyaha ayaa dhanka kale soo hadal qaaday waxa sababay dib u dhaca ku yimid  ku dhowaaqista guddiga oo shalay ku beegneyd, wuxuuna la xiriiriyey shuruudaha laga doonayo qofka ka mid noqonaya xubnaha ka shaqeynaya doorashada soo socda.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Dib u dhaca kooban ma saameynayo Doorashada Dalka, waa howlo farsamo, maadaama habraaca ku xusan shuruudaha doorashada la raacayo, aan ka warsugno oo yaan saadaal xun ka bixin in waqtiga doorashadu dib uga dhaceyso xiliga lagu heshiiyay, balse rajo wanaagsan aynu muujino, waana aaminsanahay taas,”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo todobaddii bishan uu warqad xusuusin ah ra’iisul wasaare Rooble u diray dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, taas oo ku aadaneyd dhismaha guddigan iyo dardar-gelinta howlaha doorashada ee 2020/2021.