Guddiga doorashooyinka JUBBALAND oo war cusub kasoo saaray doorashada

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, ayaa faah faahin ka bixiyey halka ay marayso soo xulista Baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo qaabka ay u socoto soo xulista Odayaasha dhaqanka Jubbaland.

Guddiga, oo inta uusan shirka jaraa’id qaban kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka ee soo xuli doona Xildhibaanada Jubbaland, ayaa ugu baaqay Odayaasha in ay soo xareeyaan foomamka iyo xogta xubnaha lasoo xulay.

Guddiga ayaa Odayaasha ku booriyey in liiska ay soo gudbiyaan ay kusoo daraan xubno haween ah si loo ilaaliyo qoondada Dumarka.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka oo hadlay ayaa sheegay in ay soo gudbiyeen liiska saddexda xubnood ee uu kasoo dhex baxayo qofka Xildhibaanka noqonaya.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee guddiga doorashooyinka Axmad Cumar Maxamed, oo faah faahin ka bixiyey qaabka ay u socoto soo gudbinta liiska Xildhibaanada cusub, ayaa warbaahinta u sheegay in Maalinta berri ee Talaadada ah ay ku egtahay xilliga guddigu qabtay ee loo qorsheeyey in lagu soo gudbiyo liiska xubnaha Baarlamaanka.

Musharixiinta u taagan qabashadda Madaxweynaha Jubaland ayaa ilaa hada is diiwaan galin waxa ayna sheegeen in Gudiga doorashooyinka Jubbaland ay hoos shaqeeyaan Axmed Madoobe oo doonaya dib u doorasho.

Dhinaca kale, Kismaayo Waxaa wada hadalo maanta ugu socdaan Taliyaha Ciidanka AMISOM , Wakiilka gaar ah ee IGAD u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Guunyo iyo Madaxweynaha Jubbalnd oo la xariir arimaha doorashadda Jubaland iyo tabashadda Musharixiinta Xildoonka ah.

Doorashadda Jubbaland ayaa ah mid Dowladda Soomaaliya iyo beesho Caalamku isha ku hayaan sida wax u socdaan, waxaana Gudiga doorashooyinka Jubbaland ay sheegayaan in sidii loogu talagay u socoto doorashada Maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com