Guddiga doorashada madaxweynaha oo doortay guddoomiye iyo ku-xigeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa si rasmi ah uga bilaabatay qaban qaabada doorashada madaxweynaha, taas oo la filayo inay qabsoonto maalmaha soo socda, si loo dhammeystiro guud ahaan doorashooyinka.

Guddiga dooorashada madaxweynaha ee labada Aqal ee Baarlamaanka ee shalay la soo saaray ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyey, waxaana guddoomiyey Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka xildhibaan Cabdullahi Cumar Abshirow, iyada oo guddoomiye loo doortay Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo Golaha kasoo galay Puntkand, wuxuuna helayb 10 cod.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo tartanka qayb ka ahaa ayaa helay 5 cod, halka Senator Cabdi ismaaciil samatar uu isna helay 2 Cod oo kaliya

Xilka guddoomiye ku xigeenka guddiga ayaa isna waxaa loo doortay Maxamed Keerow Maxamed oo helay 9 cod, halka Maxamed Ibraahim Macallimuu oo la tartamay uu helay 7 cod oo ka mid ah xubnaha guddigaasi.

Guddiga ayaa looga fadhiyaa inuu dadajiyo doorashada, isla-markaana uu soo saaro habraaca iyo jadwalka doorashada madaxweynaha oo si weyn loogu loolami doono.

Dhinaca kale waxaa caasimada ka socda kulamo ballaaran oo siyaasadeed, isla-markaana qayb ka ah ololaha doorashada madaxweynaha, kuwaas oo ay wadaan musharixiinta madaxweynaha oo hadba dhinac u kala jeedinaya xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

Doorashada Soomaaliya ayaa guud ahaan daahday, kadib markii ay marar badan dib u dhaceen jadwalladii lasoo saaray, taas oo uga sii dartay xaaladda adag ee lagu jiro.