Guddiga doorashada oo dooranaya gudoomiye cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal, taas oo qaban qaabadeeda ay ka socoto hotel Decale.

Wararka ayaa sheegaya in haatan uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka cusub ee beddalaya guddoomiyihii xilka laga qaaday Maxamed Xasan Cirro.

Xilka guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee Heer Federaal ayaa waxaa si weyn ugu loolamayo xubno ka kala sopcdo labada xafiis ee ugu sareyso dalka ee kala ah midka madaxweyne Faramaajo iyo kan Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnaha xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa u ololeenayo inuu tartanka guddoomiyaha guddiga doorashada kusoo baxo  Cabdiraxiim Cabdicasiis, waxayna gudaha guddiga ka wadaan olole xooggan si ay Berri guusha iyaga u raacdo.

Dhanka kale, Ra’isulwasaare Maxamed Xusseen Rooble iyo xulafadiisa ayaa waxay wataan musharax Muuse Geelle waxayna caawa xubnaha guddiga doorashada heer Federal u qeybiyeen lacago si ay Berri u doortaan musharaxa ay wataan.

Labada xafiis ee ugu sareyso dalka ayaa ku dagaalamaya cidda noqoneyso guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal oo fure u ah doorashada xubnaha Golaha Shacabka kadib markii dhawaan xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro oo xiriir dhow la lahaa Villa Somalia.

Si kastaba, doorashada guddoonka cusub ayaa muhiim ah doorashada Golaha Shacabka ee haatan lasii amba qaadayo, maadaama guddigan uu laf-dhabar u yahay doorashada socota.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii