Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa 30-ka Sebtember 2026 u asteeyey doorashada ku-celiska ah ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug, kadib go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka.
Guddiga ayaa sidoo kale isla 30-ka Sebtember u asteeyey doorashada isku-sidkan ee HirShabeelle, oo markii hore loo qorsheeyey 20-kii Agoosto balse dib loo dhigay.
Jadwalka cusub ee Galmudug wuxuu dhigaya in 10-ka Sebtember la asteeyo lana shaaciyo xarumaha iyo goobaha codbixinta, halka 20-ka Sebtember la shaacin doono liiska musharrixiinta ururrada siyaasadda.
Ururrada siyaasadda ayaa 22-ka Sebtember soo gudbin doona liiska wakiilladooda goobaha codbixinta, halka 26-ka Sebtember aqoonsi la siin doono wakiilladaas iyo korjoogtada doorashada.
Ololaha doorashada ayaa xirmaya 28-ka Sebtember, waxaana codbixinta ku-celiska ah la qabanayaa 30-ka Sebtember.
Doorashada Galmudug ayaa dib loo qabanayaa kadib markii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay 24-kii Agoosto laashay natiijadii doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dhacday 30-kii Luulyo.
Maxkamadda ayaa go’aamisay in doorashadaas aan loo maamulin loona qaban si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadeedu aysan sharci ahaan ansax ahayn.
Waxay guddiga doorashooyinka ku amartay inuu waqtiga ugu dhow ee macquulka ah dib u qabto doorashada, iyadoo la raacayo dastuurka iyo shuruucda dalka.
Maxkamaddu waxay sidoo kale go’aamisay in hay’adaha Galmudug ee hadda jira ay sii wadaan shaqada inta laga soo dooranayo hay’ado cusub oo ku yimaada hannaan waafaqsan sharciga.
Guddiga doorashooyinka ayaa laba maalmood kadib sheegay inuu aqbalay xukunka Maxkamadda Sare, isla markaana uu fulinayo go’aanka, waxaana jadwalka cusub uu hadda xaqiijinayaa in codbixinta la qaban doono dhammaadka Sebtember.
Doorashada HirShabeelle
Dhanka HirShabeelle, guddiga ayaa sidoo kale 30-ka Sebtember u asteeyey doorashada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.
Jadwalku wuxuu dhigaya in 2-da Sebtember la shaaciyo liiska hordhaca ah ee diiwaanka codbixiyeyaasha, halka 15-ka Sebtember la asteyn doono lana shaacin doono xarumaha iyo goobaha codbixinta.
Diiwaangelinta iyo qeybinta kaararka codbixiyeyaasha ayaa la qorsheeyey 16-ka Sebtember, halka maalinta xigta la soo gudbin doono lana xaqiijin doono liiska musharrixiinta Golaha Wakiillada iyo goleyaasha degmooyinka.
Guddiga ayaa 19-ka Sebtember shaacin doona liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha, halka 22-ka Sebtember la shaacin doono liiska musharrixiinta ururrada siyaasadda.
Ururrada ayaa 24-ka Sebtember soo gudbin doona wakiilladooda goobaha codbixinta, waxaana aqoonsi la siin doonaa wakiillada iyo korjoogtada 26-ka Sebtember. Ololaha ayaa xirmaya 28-ka Sebtember.
Doorashada HirShabeelle ayaa markii hore loo asteeyey 20-kii Agoosto, sida ku cad jadwal uu guddigu soo saaray 25-kii Luulyo, balse guddiga ayaa 19-kii Agoosto ku dhawaaqay dib-u-dhigis.
Guddiga ayaa markaas sheegay inuu muddo laba toddobaad gudahood ah ku soo saari doono jadwal cusub.
“Guddigu wuxuu ku wargelinayaa ururrada siyaasadda, shacabka reer HirShabeelle iyo daneeyeyaasha kale ee doorashooyinka HirShabeelle inay u diyaargaroobaan si ay u gutaan kaalintooda kaga aaddan ka-qaybgalka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga.
Jadwallada cusub waxay ka dhigan yihiin in Galmudug iyo HirShabeelle ay labaduba codbixin geli doonaan 30-ka Sebtember, iyadoo Galmudug dib loogu celinayo doorasho ay Maxkamadda Sare burisay natiijadeedii hore, halka HirShabeelle ay qabaneyso doorasho markii hore dib loo dhigay.

