Gudiga Xalinta oo shaaciyey kuraasta ay dacwadaha ka yaalaan iyo kursiga Fahad oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xalinta khilaafaadka arrimaha doorashooyinka ayaa markii u horeysay si guud u soo saaray liiska dacwadihii ay qabteen intii ay socotay doorashada kuraasta labada aqal.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in guddiga ay soo gaareen dacwadaha illa iyo 11-kursi, kuwaas oo dacwadahoodu ay kala duwanaayeen, uuna guddiga u kala saaray dhowr nooc.

Dacwadaha ayaa waxa uu guddiga u kala saaray kuwo ah dacwado culus, dacwada fudud, dacwado aan sax ahayn iyo kuwa markii loo soo gudbiyay kadib ay dib ula noqdeen dadkii soo gudbiyay.

Liiska dacwadaha culus ee guddiga uu ka go’aan gaaray 8-dii bishii November ee sanadkii hore illaa 27-kii bishii 2-aad ee sanadkaan 2022-ka, waxayna kala yihiin; HOP#239, HOP#067, HOP#201, HOP#209, HOP#211 iyo HOP#045.

Sidoo kale dacwadaha fudud ayaa waxaa laga soo gudbiyay kuraasta tirsigoodu yahay; HOP#255 iyo HOP#242, waxaana dacwadahooda uu guddiga ka go’aan gaaray 22-kii bishii 12naad ee sanadkii hore iyo 21-ka bishii 2-aad ee 2022-ka.

Liiska ayaa waxaan ku jirin kursiga HOP86 oo uu ku guuleystay Fahad Yaasiin. Kursigan ayaa waxaa ku dhegay guddiga doorashada heer federaal, balse waxaa markii dambe fasaxay guddiga xalinta, inkasta oo sharci ahaanshaha arrintaas dood laga keenay

Guddiga ayaa qoraalkiisa ku shaaciyay in uu gacanta ku hayo shan iyo labaatan dacwo oo aan buuxin shuruudaha habraacyada doorashooyinka dadban ee 2020-2022.

“Dacwadaha 25-ka aha waxaa ku jira cabashooyin aan la dhayalsan karin oo muujinaya in xuquuqo badan lagu tuntay. Xuquuqaha lagu tuntay waxaa kamid ah sharciyada da’da Xildhibaano haysta naatiijada ku meel-gaark ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu guddiga sheegay in dacwadaha 25-ka ah la sugayo inta uu kasoo idlaanayo 26-ka kursi ee ku harsan dowlad goboleedyada Jubbaland iyo HirShabelle, isaga oo xiligaas shaacin doona kursi walba oo dacwad laga keenay, kadibna horgeyn doona Golaha Wadatashiga Qaranka.