Gudoomiyaha Al-Shabaab ee G/Banaadir oo si yaab leh uga hadlay dagaalladii Muqdisho ee mucaaradka iyo dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururka Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir oo la yiraahdo Muuse Cabdi Caraale ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisada colaadeed ee ka dhex taagan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo xubnaha mucaaradka ah, kuwaas ciidamo kala taabacsan ay dhawaan ku dagaalameen gudaha magaalada Muqdisho.

Muuse Cabdi oo wareysi siiyey warbaahinta kooxda ayaa eedeynta ugu weyn ee wixii dhacay dusha ka saaray madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in wixii kala dhaxeeyey ragga kala ee ka soo hor jeeda uu kaligiis la cararay, balse waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in shacabka laga barakiciyey gurayahooda xilligaan kuleyka ah.

Sidoo kale sarkaalkaan ka tirsan Al-Shabaab waxa uu qabaa in labada dhinac ee ku hardamaya Muqdisho uusan midkood wax maslaxo ah u haynin bulshada ku nool magaaladan, isagoo sheegay in garab kasta uu wato danihiisa u gaarka ah.

Mar wax laga weydiiyey suurta galnimada inay heshii karaan dhinacyada isku khilaafay doorashada Soomaaliya, maadaama Farmaajo Sabtiga hor tegayo BF waxa uu yiri, “Uma muuqato inay heshii doonaan, sababtoo ah Farmaajo waxa uu aruursanayaa ciidamo uu ka keensanaayo, Galgaduud, Gedo, Bay iyo Hiiraan, waxa uu ciidamadaas u soo uruursanayana waa inuu ku dagaalamo, mucaaradkuna waa fahamsan yahay oo waxay diyaarinayaan qorsheyaal hor leh, waxayna u diyaar garoobayaan dagaal, Farmaajana mujaamalo ayuu ku wadaa, hana u maleynin inay heshii doonaan.”

Waxuu intaas ku sii daray, “Dadka reer Muqdisho waa il bax, maaha dad la dheyalsan karo, waxaan leeyahay reer Muqdishow yaan la niyad jebin, dadka doonaya inay soo celiyaan sharaftiina waa taqaanaan.”

Sidoo kale sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab waxaa uu sheegay in beesha caalamka aysan si daacad u kala dhex-geli doonin labada dhinac, balse ay hadda wax-wal ka qabaan burburka ay wajahayaan ciidankii ay dhiseen ee kharashka badani uga baxay.

Mar wax laga weydiiyey baaqyada ka soo baxa beesha caalamka waxa uu yiri, “Qoladaas markoodii hore waxay dhaqaale xoog leh geliyeen AMISOM, markii ay guul dareysteen oo ay wax ka qaban waayeen weeraradeena, waxay u weecdeen oo dhaqaale xoog leh mar kale geliyeen dhismaha ciidamada Soomaalida, marka hada shisheeyuhu kama murugsana inay Soomaalidu is disho, ee waxaa murug ku haaya beertii ay tabcayeen ee juhdiga badan ay ku buxiyeen inay hadda sii burbureyso, oo ciidankii ay tabceen ay beelahooda kala raacayaan, mida ay ka dhawaajinayaan oo mar kasta ay ka calaacalayana waa taas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.