Cabdi Xaashi oo farriin u diray siyaasiyiinta iyo madaxda goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa baaq u diray madaxda maamul goboleedyada iyo dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Cabdi Xaashi, ayaa ka codsaday siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay muujiyaan lahaanshaha dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka tanaasulaan waxyaabaha qaar si horumar loo gaarsiiyo dalka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi, ayaa sidoo kale wuxuu ka dalbaday labada dhinac inay ka shaqeeyaan midnimada ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana loo baahan yahay in waxgaradka iyo siyaasiyiinta looga baahan yahay inay dorkooda ciyaaraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku baaqayo in laga shaqeeyo wadajirka dalka Soomaaliya iyo dadkiisa si loo gaaro xasilooni iyo Nabad galyo waarta.

“Waxaan siyaasiyiinta iyo odayaasha leeyahay in iyaga oo Wadajir ah ka shaqeeyaan sidii xalkii dalkaan loo keeni lahaa, dalkaan nabadiidiisii iyo nolosheeshiisii loo keeni lahaa, dowlad goboleedyada siyaasiyiintooda iyo dhaqankooda waxaa muhiim ah inaan isku duubnaano”ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Soomaaliya ayaa dhibaato amni daro ku jirto tan iyo burburkii dowladii dhexe, waxaana dowlado badan oo dalka Soomaray isku dayeen inay xal ka gaaraan dhibaatada amni darada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com