Gacal oo kulan isugu yeeray xildhibaanada Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maanta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug kulankoodii ugu horreeyey ay ku leeyihiin magaaladaasi.

Kulanka oo ah mid muhiim ah ayaa waxa wararku ay sheegayaan inuu isugu yeeray xildhibaanada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Mudane Maxamed Nuur Gacal.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa xildhibaanadu in kulankaan ay isaga dhex doortaan guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Doorashada ayaa la filayaa in la qabto dhowaan, inkastoo shalay musharraxiinta qaar ay dalbadeen in dib loo dhigo illaa 21 cisho, si ay ula kulmaan xildhibaanada Galmudug.

Saddexda musharrax ee kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye oo isbaheysi sameystay ayaa soo saaray qoraalkaasi iyaga oo walaac ka muujiyey sida ay haatan wax ku socdaan.

Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay dhismaha loogu jiro maamul loo dhan yahay oo ay yeeshaan Galgaduud iyo Mudug.