26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Guddoomiyaha G/Banaadir oo kordhiyey la xisaabtanka hay’adaha amniga DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir , ahna Duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa maalmihii dambe kordhiyay la xisaabtamka hay’adaha amniga , waxaana uu xalay guddoomiyay shir weyn oo looga hadlayay ammaanka iyo howlgallada ka socda Caasimadda.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) iyo qaar ka mid ah Saraakiisha laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray xoojinta amniga iyo dar dar gelinta howlgallada haatan Ciidamadu ay ka wadaan gobolka Banaadir.

Sidoo kale, waxaa shirkan lagu soo hadal qaaday sida ay ku wada shaqeyn karaan shacabka iyo Ciidamada Ammaanka, si looga hortago falalka liddi ku ah ammaanka ee mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.

Tan iyo bishii la soo dhaafay ee Ramadaan guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waday kulamo lagu xoojinayo ammaanka, sidoo kalena lagula xisaabtamayo Saraakiisha qaabilsan amniga Caasimadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News