Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka badbaaday isku day dil

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Muqdisho ayaa maanta oo Isniin ah ka badbaaday isku day dil, kaddib markii nin ka tirsan shaqaalaha xafiikiisa oo ay soo adeegsadeen Al-Shabaab la qabtay.

Taliyaha nabad sugida gobalka Banaadir Khaliif Axmed Irig oo saxaafadda kula hadlaayay Muqdisho ayaa sheegay in la fashiliyay nin la sheegay in uu qarxin rabay guddoomiyaha gobalka Banaadir Tarsan kaasoo loo ballan qaaday lacago.

“Ma ahan wax la qiyaasi karo wax yaabaha ay sameenayaan kooxaha Al-Qaacida , dhacdadii ugu dambeesay waxa isku dayi rabee in ay dhib u geestaan ama khasaaro u geestaan guddoomiyaha gobalka banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), arrintaas oo noqotay mid fashilantay mid aan suurta gal noqon, arrin aan ahay siddii loogu talagalay oo ay isku dayi rabeen in ay sameeyaan iyaga oo noqon waysay, oo ay ka hortageen hey’addaha amniga” ayuu yiri Khaliif Irig.

Wuu sii hadlay wuxuu yiri “ Waxa gacanta lagu dhigay miinadii iyo ninkii ay u soo dhibeen intaba

Dhinaca kale, Tahliil Cabdilaahi Nuur oo ah ninka isku qarxin rabay guddoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in go’aanka ay isla soo gaareen Al-Shabaab laakin uu isaga ka baxay sida uu hadalka u dhigay.

“Anniga magaceygu waa Tahliil Cabdulaahi Nuure waxan fashiliyay fal kooxaha nabad-diidka ugu talagaleen guddoomiyaha gobalka banaadir, waxa ay ila sameeyeen xiriir, xiriirkaas oo ah ballan qaad in aan haddii miinada aan dhigo xafiiska guddoomiyaha oo siddii la rabay ay u hirgasho in abaal marin aan lee yahay, anniga waxa aan ka tirsanahay shaqaalaha gobalka Banaadir.”

“Sidoo kale waxa aan nahay guddoomiyaha isku jifo ama qaraabo, anniga sida ay iyaga rabeen uguma aan talagalin, waayo waxan jecleestay in arrintaas aan fashiliyo “ayuu yiri Ninka la soo bandhigay.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay guddoomiyaha gobalka Banaadir oo maanta ka qaybgalay munaasabad loo qabtay ilmo agooma ah oo ku jira xarunta agoonta Qamar oo ku taalla Muqdisho.

Al-Shabaab dhowr jeer ayey horrey isugu dayeen in ay dilaan madaxda dowladda oo uu ku jiro guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho