Himilo Qaran oo shaaciyey arrin ay DF la damacsaneyd diyaaraddii Shariif iyo Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran Suleymaan Maxamuud Xaashi oo wareysi bixiyey ayaa markale ka hadlay dhacdadii sii hurisay xiisada dowladda iyo Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Suleymaan ayaa sheegay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay damacsaneyd in diyaaraddii siday wafdiga madasha xisbiyada Qaran inay goosato shidaalka, kadibna la waayo, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in diyaaradda loogu talagalay inay ku degto 45 daqiiqo, balse ay hawada ku jireen wax ku dhow laba saacadood, islamarkaana qatar la galiyey noloshooda.

“Xukuumadda waxay damacsaneyd in diyaaradda shidaalka goosato oo madaxdii hore iyo xildhibaanada la socotay halkaa lagu waayo qatar baa nala geliyay, waa la ogyahay 2 saacadood wax ku dhaw ayaan hawada ku jirnay waxaana diyaaradda loogu talagalay iney 45 daqiiqo ku caga dhigato Beledweyne.” ayuu yiru gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran, Suleymaan Maxamuud Xaashi.

Dhinaca kale wuxuu guddoomiyaha tafaasiil ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Madaxweunhihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif ee ahaa in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo uu ka saari doono gudaha magaalada Muqdisho.

Suleymaan ayaa tilmaamay in hadallada uu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada Qaran kaliya laga soo qaatay erayo gaar ag, si loogu qariyo xayiraadii lagu sameeyey.

“Sheekh Shariif waxaa uu hadalkiisa ku soo qaatay, Itoobiyaan, hoggaamiye kooxeedyo oo dadka Soomaaliyeed ay iska saareen,marka hadii dowladda ay sharciga ku dhaqmi weyso in la iska saaro ceeb mahana, sida Cumar Al-Bashiir Madaxweynihii Suudaan ayuu yiri.” ayuu markale yiri, Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in dadka Soomaaliyeed aan la marin habaabin, islamarkaana ay dowladdu ilaaliso Dastuurka iyo shuruucda u taalla dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com