Guddoonka Aqalka Sare ee baarlamanka oo yeeashay kulan looga hadlay 3 qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka cusub ee Golaha Aqalka Sare ayaa maanta yeeshay kulan ay kaga hadlayeen 3 qodob oo ku saabsan howlaha horyaalla, kaasi oo ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana looga hadlay

1- Warbixin guud ee Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS ee howlaha wax-qabad ee hortbinta u leh Aqalka Sare.

2- Diyaarinta warbixinta guud ee Wax-qabadka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 10-aad.

3- Diyaarinta Ajandaha kulanka 3-aad, Kalfadhiga 1-aad ee Aqalka Sare.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay dhacdo Bisha May ee Berri bilaabaneysa, waxaana socdo oloihii ugu dambeeyey ee loogu jiro xilka ugu sareeya Dalka.

Golaha Shacabka ayaa la iclaamiyey in 4-ta bisha May uu Baarlamaanka yeelan doono kulan lagu dhisayo guddiyada doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya.

Labada Aqal ee baarlamanka la filayaa inay maalmaha soo socda galaan fasax kooban oo ku saabsan Ciidda, waxaana kadib ay isugu soo laaban doonaan fadhigooda ayada oo markaas kadibna la filayo go’aanka maalinka la qabanayo doorashada madaxweynaha.

Doorashada ayaa waxaa si wadajir ah madaxweynaha ugu codeyn doona labada Aqal ee baarlamanka, oo marka la isku geeyo ka kooban 329 xildhibaan iyo Senator.