Gudoomiyaha X/Weyne oo xabsi loo dhigay arrin uu ka sheegay xukumada Kheyre

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warqad ka soo baxday Kusimaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa Shqadii looga joojiyey Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maye.

Wareegtada ka soo baxday Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xuseen ayaa lagu sheegay in Cumar Shariif Jeeg uu si bareer ah uga been sheegay Ciidamada Booliska, kuna tilmaamay in amniga dalka lagu aamini karin, ayna keenaan qaraxyada.

Cumar Shariif Maye ayaa dhawaan sheegay in Xukuumadda Kheyre ay tahay tan  ugu masuqmaasuqa badneyd abid taarikhda dalka iyo sidoo kale waxa uu eedeyn u jeediyey Booliska oo uu sheegay iney qaraxyada iyaga ka dambeeyaan sida lagu sheegay Warqada ka soo baxday Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu ku tilmaamay Maamulka Gobolka Banaadir meel uu ka jiro musuq maasuq, sidoo kale Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ay tahay Xukuumadda ugu musuq maasuqa badan.

Warqada ayaa waxaa la ogeeysiiyey Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada degmada Xamarweyne,taliska booliska degmada,iyada oo xilka degmada Xamarweyne si KMG loogu dhiibay ku xigeenkiisa Amniga iyo siyaasada.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda: