Gudoomiyaha Mandheera oo Shabaab ka cararay

Mandheera(Caasimada Online) – Gudoomiyaha degmada Mandheera ee dalka Kenya ayaa si cad u sheegay in cabsi uu ka qabo weerar kaga yimaado Alshabaab ay u joogi waayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka tirsan degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Cali Robo, gudoomiyaha degmada Mandheera ee dalka Kenya ayaa sheegay in seddexdii todobaad ee ugu dambeeyay Alshabaab ay geysteen weeraro kala duwan oo dad lagu dilay, taasi oo keentay in qal qal amaan laga dareemo gobolka waqooyi bari Kenya.

Gudoomiyaha degmada Mandheera, ayaa sheegay in xubno ka tirsan maamulkiisa ay ku dhiiran la’yihiin iney degmada ku laabtaan iyaga oo ka baqaya in weeraro ay kaga yimaadaan ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

“Dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay amaanka Mandheera ma aheyn meel la isku haleyn karo shacabkuna waxay la kulmeen dhibaato amaan darro oo Al-Shabab kaga timid, amaanka wuu sii xumaanayaa, xubno maamulka ah ayaanan magalada imaan cabsi darteed” ayuu yiri gudoomiyaha Mandheera ee Kenya Cali Roobo.

Ciidamo badan oo ka tirsan militiriga iyo booliska dalka Kenya ayaa la dhigay waqooyinka magaalada Mandheera ee dalka Kenya iyadoo magaalada ay cabsi ka taagan tahay.

Al-Shabab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dalka Kenya ku qaaday weeraro uu dhiig badan ku daatay waxaana ugu dambeeeyay weerar sarakiil ciidanka Kenya lagu dilay oo shalay ka dhacay meel u dhaw magaalada Mandheera.

 

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com