Guddoomiye degmo oo ka badbaaday weerar

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Xuseen Shiine, afhayeenka maamulka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay qarax ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu dilo gudoomiyaha degmada Baraawe  ee Shabeelaha Hoose oo lala eegtay xili uu ku sugnaa deegaanka Golweyn.

Afhayeenka wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay ka dambeeyeen Alshabaab lana doonayay in lagu dilo gudoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, laakiin aysan dhicin arintaasi.

“Nimankii nabadda diidanaa ayaa waxay maleegeen fitno ay la rabeen inay ku qarajiyaan gudoomiyaha degmada Baraawe, laakiinse ma aanay u suurta gelin sidii ay rabeen, deegaanka Golweyn waxay ku diyaariyeen gaari Suzuki ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay”ayuu yiri.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayuu sheegay iney ka hortageen qorshaha lagu khaarijin lahaa gudoomiyaha degmada Baraawe, kadib markii rasaas ay ku rideen gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo kolonyada gudoomiyaha lagu weeraray.

“Ciidanka AMISOM iyo kuwa NISA ayaa amniga gudoomiyaha iyo xubnaha la socday waday, gaariga wuu nagu soo cararay waxaa fashiliyay ciidanka NISA oo risaas ku furay kadibna gaariga wuu is qarxiyay, waxaa xigtay rasaas ay nagu soo fureen Maleeshiyaadkii kale”

“Waan iska caabinnay waxaa ka dhimatay Seddex qof, kuwii kalena wey carareen, annagane waxaa naga dhaawacmay 1 qof, midda kale gaariga qarxay wax dhibaato ah ma geysan in uu gaadiidka qaarkood muraayadaha ka dumiyay mooyee” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobalka Shabellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com