Guuldarrada baarista shidaal ee Kenya iyo fursada Somalia

Shirkadda Talyaaniga ee Eni Energy (Agip) oo saliid iyo gaasba ka baaraysay aaga Lamu Basin ayaa ka tanaasushay dhammaan xuquuqdii kheyraadka xeebta qaniga ku ah kaydka shidaalka kaddib markii qodistii ceelkii Mlima-1 lagu guuldaraystay.

Xirmada L11B oo masaafadiisu dhan tahay 35,000 sq. kilometers ayaa ku taal barta xuddunta u ahayd muran soohdin badeedkii dhex yiil Soomaaliya iyo Kenya. Shirkadaha shidaalka ayaa tan iyo 2000kii ku qulqulayay xirmooyin Kenya si sharci darro ah u xaraashtay oo ku yaal soohdin badeedka badweynta Hindiya ee Soomaaliya.

Eni Energy oo aan joojin hawlaheedii xitaa markii Maxkamadda ICJ ay ka xukuntay Kenya ayaa December 2021 aagga qandaraas ku siisay markabka “Saipem 1200”, si uu u qodo ceel dhidibbada u taagi lahaa kheyraadka gobolka lagana filayay kayd dhan 700 malyan foosto oo lagu qiyaasay ugu yaraan 2.5 bilyan dollar, balse aan dhaboobin. 

Ku hungowga baarista ayaa laga yaabaa inuu albaabka u furo sahaminta shidaalka biyaha qotoda dheer ee Soomaaliya dhawr arrimood awgood:

  • Qiimaha shidaalka oo heerkii ugu sarreeyay gaaray dagaalka Yukrain kaddib; iyo
  • Somaaliya oo ku taal mariin muhiim u ah isu socodka ganacsiga adduunka noqotayna barta qur ah ee ka harsan Bariga Afrika.

Khubarada joologiga (geologist) ayaa saadaaliya in “meeshii Gaas laga sheego, Saliidna ku jirto.” Haseyeeshee, ku guuldarrada baarista shidaal ee aagga Lamu Basin oo salkeedu ku fadhiyo Tanzania, Kenya, iyo Soomaaliya (Jubbada Hoose), ayaa kordhinaya halista sahaminta iyo horumarinta dhulbadeedka aan macluumaad fara badan laga hayn. 

Dhinaca kale, Galbeedka oo saluugsan siyaasadda OPEC iyo qiimaha shidaalka caalamiga ah ee kor u sii socda ayaa laga yaabaa inuu tartan culus ku furo maalgashadayaasha u bareera halista kana faa’iidaysta xilliyada adag qandaraasyada mugdi ku jira (shaki) sida, shirkadaha Coastline Petroleum Company iyo Liberty Petroleum Corporation, iwm. 

Luggo ka laabashada Eni Energy aag shidaal firfircoon lagu sheegay waxay astaan u tahay in shirkadaha waaweyn ee doorbida ribixa halista yar isha ku hayaan Soomaaliya oo lagu sheegay saliid iyo gaas seddax jeer ka badan midka Nigeria.

Exxon Mobile, iyo Royal Dutch Shell, oo xuquuqdoodii kheyraadka Soomaaliya dib u soo ceshtay ayaa laga yaabaa inay hormuud u noqdaan maalgashiga dalka, gaar ahaan  xirmooyinka ku yaal Barawe-Qoryoolay iyo Hobyo basin, oo malaha  ka halis yaraan doona kuwa Lamu Bisan ee Jubbaland (Soomaaliya).

Si kastaba ha ahaatee, in Eni Energy ka tanaasusho lix bilood kaddib markii ay siiddaysay natiijooyinka qodista ceelkii qotoda dheeraa ee ay ku hawlaneed tan iyo 2012, shuraakaduna kula ahayd shirkadda Fransiiska ah ee TotalEnergies (33.75%) iyo tan dowladda Qadar ee QatarEnergy (25%) waa wax la yaab leh.

Balse, in Qadar saami ku leedahay xirmooyinka L11A, L11B iyo L12, waxay kordhinaysa tuhun laga qabay waxa lagu qooshayay xagaagii dhawaa Turkiga oo ay iskugu tageen Madaxweyne Xasan Sheekh, iyo Ra’iisulwasaaraha Talyaniga Mario Draghi, iyadoo weliba Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Luigi Di Maio uu bil ka hor Muqdisho kaga qaybgalay caleemasaarkii.

Ballanqaadyada sahminta saliidda iyo gaaska ee aan la shaacin ayaa malaha Xasan Sheekh ku dhiirrigelinaya inuu mudnaanta siyaasadeed siiyo la dagaallanka argaggaxisada, wanaajinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee gobolka, iyo inuu ka fogaado wax kasta oo walaac gelin kara maalgashadayaasha.

Ugu dambeystii shidaalka laga waayay dooxada Lamu waxuu ku riixi doonaa Soomaaliya iyo Kenyaba inay toban sanadood oo muran ah kaddib si miradhal leh uga gudbaan cagajiidka ugana wadahadlaan si nabadoon sidii loo fulin lahaa xukunkii Maxkamada ICJ ee October 2021, iyagoo kaashanaya dadaallada Midowga Afrika iyo kuwo caalami ah (Washington iyo Dooxa). Taas ayaa siin doonta maalgashadayaasha shidaalka jawi soo jiidasho leh, gobolkana u horseedi doonta horumar haddii si hufan loo maareeyo.

Isha: Jamhuuriyadda