Guuleed oo is-ammaanay, xilli jahwareer haysto!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Gulleed ayaa sheegay in maamulkiisa uu xooga saarayo sida lagu heli lahaa xiriir dhexmara Galmudu iyo Ahlusunna.

Waxa uu Gulleed sheegay in Galmudug ay muhiim u tahay inay xoojiso xiriirka kala dhexeeya Ahlusunna garabka kasoo horjeeda maamulkiisa waxa uuna carab dhabay in wadahadalka uu wali yahay mid ka furan dhanka Galmudug.

Gulleed waxa uu cadeeyay in wada-xaajoodkii ay dhawaan la galeen garab kamid ah Ahlusunna uu waxbadan ka bedelay howsha maamulka waxa uuna tilmaamay in mudada uu hadda jiro maamulkiisa uu waxyaabo badan u qabsoomay.

Wuxuu sheegay in iminka uu ku guuleystay dhisida Maamulo Degmo oo ay ku wada qanacsan yihiin Shacabka sidoo kale hub ka dhig Maamulkisa ay ku sameeyeen Maleeshiyaad ku sugnaa qeybo ka mid ah Galgaduud.

Sidoo kale, Gulleed waxa uu sheegay in Galmudug ay ku guuleysatay in Maleeshiyaadka Al-shabaab laga saaro deegaano ay kaga sugnaayen Gobolada maamulka taasina waxa uu ku sheegay mid kamid ah dadaalada uu maamulka wado.

DFS ayuu ugu baaqay inay qeyb ka noqoto dardar galinta uu maamulka ugu jiro wada-xaajood lala furo garabka kale ee Ahlusunna ee ka gadooday dhismaha Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Gulleed ayaa wacad ku maray in Galmudug aysan ku raali ahaan doonin in la qalqal galiyo amaankeeda waxa uuna sheegay in labada gacan ay kusoo dhaweyn doonaan cidii dooneysa wada-xaajood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com