DAR DAARAN: Hadii aad Joogto Kenya qaado waanadan (Waa mid kugu filan)

Nairobi (Caasimada online) Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Americo oo laanta afka Soomaaliga ee VOD-da ay wax ka weydiisay Weerarkii dhowaan ka dhacay daarta Westgate Mall ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo Saameynta Soomaalida dalkaas uu yeelan karo ayaa sheegay in asrinta sida loo moodayo ay ka duwan tahay.

Wuxuu sheegay in ay jisrto baqdin ay muujinayaan Soomaalida dalkaas balse ay u sheegeen in loo baahan yahay inay is dejiyaan waxaana uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qeyb ka ahayeen dadkii gurmadka u fidayay Dhibanayaashii Weerarkii Westgate Ku waxyeeloobay.

Maxamed Cali Americo, wuxuu sheegay inuu Arinta Shacabka Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool uu kala hadlay madasxda dalkaas Kenya Sida Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya iyo Sidoo kale Madaxweynaha Dalkaas Uhuru Kenyata .

Wuxuu sheegay in arin la xariirta weerarkaas aan loo dhibaateyn Soomaalida dalkaas sida magangalyo ahaanta ah ugu nool halkaas , waxaana uu shaaciyay in madaxda dalkaas uu u sheegay in Shabaab aysan Soomaali aheyn isla markaana aysan matali kasrin .

Ugu dambeyn wuxuu Ciidamada Kenya ka dalbasday in si taxadar leh ay howlgalasda amni xaqiijinta ah ay u sameeyaan isla-markaana aysan bartilmaameyd ka dhigan Soomaalida dalkaas, shacabkana wuxuu mar kale ka codsaday inay is dejiyaan isla-maarkaana ay muujiyaan daganaan iyo inay arintan Bari ka yihiin .

Safiirka ayaa Soomaalida dalkaas kula dar daarmay inay wataan Sharcigooda dalka ku jooga xilli waliba , waxana uu ugu baaqsay in marka la xiro ay ku dhahaan ciidamada amniga waxaan u baahanahy safaaradeena in naloogula yeero hadii taas dhacdana wuxuu sheegay inay muujin doonan dadaal waliba oo sii deyntooda ku saabsan .

Kenya waxaa ku nool Soomaalida ugu  badan kuwaas oo intoo badan si qaxooti ahaan ah ugu noool dalkaan wsaxaana dhawaan weerar dalkaas ka dhacay Mas’uuliyasdiisa Sheegtay Al-shabaab

Caasimada online

Xafiiska Naisrobi

Caasimada@live.com