Haweeneydii u calmaneyd Jamal Khashoggi oo iyana wajaheysa arrin HALIS ah

Ankara (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa walaac ka muujineysa xaalada amniga ee Khadiija Cengiz oo ah Haweeneydii u calmaneyd Suxufiga Jamal Khashoggi.

Saraakiisha Turkiga ee gacanta kula jira kiiska dilk Jamal Khashoggi, ayaa saxaafada gudaha u sheegay in Khadiija Cengiz ay kusoo wargalisay inay heleyso hanjabaado ku aadan in la dili doono.

Saraakiisha ayaa sheegay in Khadiija Cengiz ay heyso macluumaad kala duwan oo ku saleysan waxa u dhexeeyay Jamal Khashoggi oo la sheegay in la dilay iyo Dowlada Sacuudiga.

Saraakiisha oo cuskanaaya wargalinta Khadiija Cengiz oo u doonaneyd Jamaal ayaa warbaahin gudaha ku wargaliyay inay la wareegi doonaan amniga Khadiija Cengiz oo qudheeda la sheegay inay tahay qoraa xogo badan ka heysa waxa dhexmaray Jamaal iyo Sacuudiga.

Khadiija Cengiz, waxaa laga soo xigtay inay heleyso macluumaad muujinaya in la dilay Jamal Khashoggi, hase yeeshee hanjabadaha ceynkaasi ah ay u qaadatay mid looga luminaayo diirada.

Khadiija Cengiz, ayaa horay qoraalo kala duwan ay u wadaagen Jamal Khashoggi, waxaana suuragal ah macluumaadka ay heyso ay sabab u noqoto in Khadiijo ay kusii noolaato xaalad cabsi leh.

Sidoo kale, Khadiija Cengiz, ayaa kaalin weyn ka qaadaneysa kiiska baaritaanka Jamal Khashoggi maadaama ay si dhaba ula soctay xaaladiisa isla markaana ay wada socdeen xiliga uu Jamaal galaayay Qunsuliya.

Si kastaba ha ahaatee, Khadiija Cengiz, ayaa iminka waxaa ka warqaba ciidamada Booliska magaalada Istanbul oo iyagu qaba dareen gaara oo ku aadan xaalada amni ee Khadiija Cengiz.

Caasimada Online

Xafiiska Ankara

Caasimada@live.com