Haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo London uga guuleysatay…

Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Sagal Cabdiweli oo asal ahaan Soomaali ah kana tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Britain (Labour Party), ayaa ku guuleysatay kursiga deegaanka Holborn and St Pancras, kaddib markii ay heshay 12,292 cod, iyadoo ka adkaatay musharraxiintii la tartamayay.

Sagal oo la sheegay inay dhalatay bishii Juun 1984 ayaa doorashada ku gashay loollan adag, iyadoo ka guuleysatay musharrax ka socday Xisbiga Cagaaran (Green Party) oo lagu magacaabo Zack Polanski.

Kursigan waxaa hore ugu metelayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain, Keir Starmer, kaas oo horay u hayay xilka xildhibaannimo ee deegaanka Holborn and St Pancras.

Sagal ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan Soomaali ah, isla markaana Muslim ah, oo ku guuleysata kursigaas. Waxaa la filayaa inay gasho Aqalka Baarlamaanka Britain iyadoo xiran xijaab.

Guusheeda ayaa muujinaysa sida dadka asal ahaan Soomaaliyeed ay uga dhex muuqanayaan siyaasadda dalalka ay degeen, iyagoo u tartamaya xilal kala duwan oo heer deegaan iyo heer qaran ah.

Sanadihii u dambeeyay, Soomaalida ku nool dalal kala duwan oo caalamka ah ayaa si isa soo taraysa uga qayb qaadanayay siyaasadda iyo hoggaanka bulshada.

Arrintani waxay fursad u abuureysaa inay door muuqda ku yeeshaan Soomaalidu go’aan-qaadashada iyo matalaadda bulshooyinka ay ka tirsan yihiin.

- Advertisement -

Read more

Local News