Heritage: Toddoba caqabad ayaa hortaagan hir-gelinta sharciga doorashooyinka

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda ayaa warbixin uu maanta soo saaray uga hadlay caqabadaha hor-taagan in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna soo bandhigay nidaam lagu beddeli karo, haddii ay sidaas dhici weyso.

Machadka wuxuu eegay sharciga doorashooyinka dalka ee la meel-mariyey, wuxuuna soo bandhigay afar cillad oo waaweyn, oo uu leeyahay, iyo toddoba caqabad oo hortaagan hirgelinta Xeerka Doorashada.

Haddaba, innaga oo warbixinadeena xiga idinkugu soo gudbin doona, Insha Allah, nooca doorasho ee Machadka uu soo jeediyey, marka hore aqriso cilladaha uu leeyahay iyo caqabadaha hortaagan in sharciga doorashooyinka la hirgeliyo. 

Cilladaha Waaweyn ee uu leeyahay Xeerka Doorashooyinku

Inuu madaxweynuhu saxiixay Xeerka Doorashooyinka waa horumar la taaban karo oo horseedaya dimoqraadieynta dalka. Gaar ahaan arrintanu waa u muhiim dalka Soomaaliya oo aysan doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah ka dhicin muddo 50 sano ah.

Runtii xeerkani wuxuu gundhig u noqonayaa in Soomaaliya ay mar kale noqoto dal dimoqraadi ah, sidii ay horeyba mar u noqotay dalkii ugu horreeyey ee Qaaradda Afrika si dimoqraadi ah xukunka iskugu baddalay. Ha yeeshee, waxaa jira su’aalo badan oo uusan xeerka doorashooyinku ka jawaabin. Taasinna waxa ay kalliftay in labada aqal ee baarlamaanku ay u saaraan guddi ka soo shaqeeya dhamaystirka afar arrimood oo ka dhiman.

Kow, xeerka doorashooyinka ma uusan dhigin kuraasta labada aqal deegaan ama degmooyin. In kuraasta aqalka hoose (275 kursi) ay deegaameysan tahay waa shardi muhiim ah runtii. Taas baddalkeeda, xeerku wuxuu caddeynayaa in beel kasta ay heysanayso kursiga ay hadda haysato oo xubnaha beeshaasi ay ku tartamayaan. Haddii si kale loo dhigo, baarlamaanku wuxuu markii ugu horreysa xalaaleeyey oo xeeriyey nidaamka awood-qeybsiga ee 4.5 kaasoo markii hore ahaa xalmastuur aan qorneyn. Taasna waxaa ka dhashay in baarlamaanku uu sii murjiyey xaalad hore u qasneyd oo ku saabsan is-dhexgalka qabiilka iyo siyaasadda. Dhanka kale, baarlamaanku wuu xalliyey welwel ay qabeen kooxaha iyo beelaha qaar maaddaama uu kursi kasta beel u xiray. Laakiin, taasi waxa ay ka horimaynaysaa dimoqraadiyadda ku dhisan qof iyo cod oo qof walbana uu leeyahay xaq inuu wax doorto, lana doorto.

Labo, xeerka doorashooyinku wuxuu dib u riixay arrimaha muhiimka ah ee la xiriira kuraasta Soomaaliland iyo metalaadda gobolka Baraandir. In ka badan 50 xildhibaan oo ku jira labada aqal ayaa metala Soomaaliland inkasta oo aysan tegi karin degmooyinka ay metalaan. May 18, 1991, Soomaaliland waxay ku dhawaaqday inay ka go’day dalka intiiska kale. Sannadkii 2016, xildhibaannada Somaliland waxaa lagu xulay/doortay Muqdisho, waxaana ka dhashay su’aalo muhiim ah waddada loo maray iyo saameynta ay ku leeyihiin Soomaaliland. Sidoo kale, waxaa soo ifbaxay saameyntii iyo maamulidda uu ku yeeshay habka xulista matalayaasha Somaliland, maamulkii markaas jiray ee uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, waxaa jira dood xoog leh oo ka taagan maqaamka Muqdisho iyo gobolka Banaadir maaddaama aanay ahayn maamul-goboleed. Sanadkii 2016-kii Muqdisho ma aysan lahayn guddi heer gobol ah oo maamula doorashada. Marka laga reebo xildhibaannada matalaya Soomaaliland iyo dhowr kale, ma jirin xildhibaanno badan oo lagu doortay Xamar. Haddana, inta badan xildhibaannadu waxa ay ku nool yihiin Muqdisho. Waxaa taas ka sii daran inaysan Muqdisho lahayn hal kursi oo aqalka sare ah wallow uu dastuurku si cad u qeexayo in gobolladii 18-ka ahaa uu mid walba yeelanayo saddex kursi. Waxaa jira xoogag farabadan oo u ololeynaya inay Muqdisho noqoto maamulgoboleed wallow dastuurku uu leeyahay maqaamka Muqdisho waa laga tashanayaa – ilaa iyo hadda arrinta Muqdisho ma noqon mid loo soo jeestey.

Saddex, Xeerka Doorashooyinku ma caddeynayo sida lagu xaqiijinayo metalaadda haweenka. Culeysyo badan oo ka imanayey bulshada caalamka dartood, sanadkii 2016, haweenku waxa ay heleen 24% kuraasta (329) labada aqal. Haddaba marka la fiiriyo dhaqanka Soomaalida oo aan haweenka siineyn awood siyaasi ah, sida kaliya ee lagu xaqiijin karo metalaadda haweenka waa in la sharciyeeyo qoondahooda lana fuliyo sharcigaas.

Afar, xeerka doorashooyinku wuxuu leeyahay waa in door muuqda la siiyaa xisbiyada doorashooyinka soo socda. Ha yeeshee, baarlamaanku weli ma uusan ansixin wax-ka-baddalka xeerka xisbiyada oo xeerinaya doorka xisbiyadu ku yeelanayaan doorashada. Guddiga Doorashooyinku waxa ay si ku-meelgaar ah u diiwaan geliyeen 82 xisbi. Inkasta oo kororka xisbiyadu ay wanaagsan tahay, haddana haddii aanan xeerka xisbiyada la helin jiritaankoodu waa macna-beelayaa. Malaha waaba sababta dib loogu dhigay ‘xisbigii weynaa’ ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulWasaare Kheyre ay sheegeen inay ku dhawaaqayaan. Haddii la soo koobo, doorasho xor iyo xalaal ah ma dhici karto xeerkaas la’aantiis.

Caqabahada Hortaagan Hirgelinta Xeerka Doorashada

Waxaa jira toddoba caqabadood oo horyaal hirgelinta xeerka doorashada ee sanadkan la filayo: 

Caqabada Koowaad: Inkasta oo labada aqal ay tiro badan ku ansixiyeen xeerka doorashada, haddana waxaa jira qeybo muhiim ah oo aan taageerin. Labada maamul-goboleed ee Puntland iyo Jubbaland waa ay kahoryimaaddeen xeerkan. Labada maamul waxa ay ku dhawaaqeen in ay xireen xafiisyada Guddiga Doorashada. Sidoo kale, waxa ay doonayaan maamulladani in guddiga doorashada ee heer gobol uu kaalin ku yeesho maamulka doorashooyinka. Xisbiyada mucaaradka ah ayaa iyaguna ka horyimid hannaanka ay dowladdu u abbaartay nidaamka doorashada.

Caqabada Labaad: Waqtiga ka haray muddo-xileedka baarlamaanka (6 bilood) iyo Madaxweynaha (8 bilood) kuma filna in la dhameystiro xeerka, dabadeedna la diyaariyo doorashooyin qof iyo cod ah. Sida muuqata hirgelinta sharcigan wuxuu qaadanayaa sannado, wuxuuna u baahan yahay diyaar-garow weyn.

Caqabada Saddexaad: Xaaladda guud ee nabadgelyada dalku waa ay liidataa. Qeybo badan oo ka mid ah dalkana waxaa maamula ama saameyn xoog leh ku leh kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab. Haddaba in la sugo nabadgelyada doorasho ka dhaceysa dalka oo dhan waxay u baahan tahay tobonnaan kun oo ciidan ah. Inkasta oo ay dowladdu sameysay guddiga amniga doorashooyinka, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda, haddana xaaladda siyaasadeed iyo khilaafka maamulgoboleedyada Puntland iyo Jubbalald wuxuu keenayaa inaysan soo qiimeyn karin gobolladaas haddii aan la helin heshiis siyaasadeed.

Caqabada Afaraad: Si loo fuliyo doorasho qof iyo cod ah waxaa loo baahan yahay dhaqaalo badan oo kor u dhaafaya $100 milyan oo dollar. Runtiina dhaqaalahaas dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu ma awoodaan hadda. Inkasta oo ay cid walba ogeyd in doorasho ay dhacayso 2020, haddana dowladdu miisaaniyaddeeda wax dhaqaale ah uguma darin doorashooyinka.Waxaa kaliya oo ay kafaala-qaadday dhaqaalaha guddiga doorashooyinka ay ku shaqeeyaan ee sannadlaha ah. Guddiga Doorashadu wuxuu u baahan yahay $53 milyan oo dollar. Illaa hadda, waxaa jira yabooh ay sameeyeen deeq-bixiyayaalka caalamka, laakiin sida muuqata kuma filna.

Caqabada Shanaad: Farsamo ahaan arrimaha loo baahan yahay si doorasho qof iyo cod ah ay u dhacdo weli waa qabyo ama maba jiraan xilligan. Si doorasho xor iyo xalaal ah oo aan musuq-maasuq lahayn ay u dhacdo, Guddiga Doorashadu waxa ay u baahan yihiin farsamada teknoolijiyada casriga ah ee loo yaqaan “biometric system’ si ay u diiwaan geliyaan dadka codeynaya. Tusaale ahaan, Soomaaliland waxa ay ka shaqeyneysay diyaarinta arrimahan muddo 20 sano ku dhow. Welina waxaa jira eedo badan oo la xiriira waxis-daba-marsiin. Caqabadaha waxaa ka mid ah inaan dadka Soomaaliyeed intooda badan lahayn warqado aqoonsi oo heer qaran ama heer gobol ah. Taasina way sii adkeyneysaa hawsha diiwaan gelinta.

Caqabada Lixaad: Xeerka Doorashadu wuxuu caddeynayaa in Guddiga Doorashada ee Heer Federaal uu maamulayo doorashada dalka marka laga reebo Soomaaliland iyo meelaha ay Al-Shabaab heystaan. Sida ay muujinayaan Puntland iyo Jubbaland, arrinkaasi ma aqbalayaan oo waxay hore u xireen xafiisyada guddiga doorashooyinka. Arrintaas waxay lamahuraan ka dhigeysaa inay dowladda dhexe iyo maamulgoboleedyadu ay ka heshiiyaan.

Caqabada Toddobaad: Sida muuqata, cudurka COVID-19 wuxuu saameyn weyn ku yeelan karaa dadka Soomaaliyeed oo awalba tabar-yaraa. Inkasta oo guud ahaan tirada la xaqiijiyey inuu ku dhacay cudurku ay yar tahay, haddana waxaa jira cabsi ah inuu cudurku aad u faafay maadaama aysan dadku aad ugu baraaarugin ama awoodin hababka lagu xakamaynayo cudurka sida kala-fogaanshaha ama joogista guryaha. Haddii uu cudurkani aad u fido, waxaa dhici karta inuu dhaawac weyn geysto, ayna lama huraan noqoto in dib loogu noqdo waqtiga doorashada. Haddana, marka la eego qaaradda Africa, waxaa muuqanaya in doorashooyin badan oo 2020 qorsheysnaa badankood aan illaa hadda dib loo dhigin. Dalka Itoobiya oo kaliya ayaa lix bilood doorashadii dib u dhigay, waxa ayna taasi keentay jahwareer siyaasadeed.

Warbixinta xigta waxaan idinkugu soo gudbin doonaa, Insha Allah, nidaam uu machadka soo jeediyey, haddii aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah.