Heshiiska xukuumadda laga tirada badan yahay iyo xarakada xoog yaraysay

Asad Cumar Mataan

Xukuumadda Nabad iyo Nolol (N&N) ee uu hogaanka u hayo Mudane Xassan Cali Khayre iyo Ahlusunna waljamaaca (ASWJ) 11/12/2019 waxay gaareen heshiis u dan ah labadooda (N&N iyo ASWJ) kaasoo ay ku doonayaan in ay ku dhameeyaan khilaaf u dhexeeyay kooxda iyo xukuumadda N&N. Waxaan taxliilinaynaa waxa keenay in ay heshiiyaan ayadoo aan ognahay in ASWJ horay u diideen heshiisyo dhex mari lahaa maamulkii Cabdikariin Xusseen Guuleed iyo Xukuumaddii Madaxwayne Xassan Sh. Maxamuud, dhanka kalena waxaan eegaynaa waxa sababay in N&N oo aan jecelayn in ay cid kale wax ku darsadaan ay ASWJ wax ku darsadaan, sidoo kale waxaan eegaynaa miisaanka heshiiska iyo iskaashiga N&N iyo ASWJ. Ugu danbayn waxaan eegi doonnaa natiijada uu heshiiskaan ku keeni doono reer Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

ASWJ

Kooxdaan loo yaqaanno ASWJ waxay ahaayeen waayihii danbe xarako maamusha magaalooyinka kala ah Guraceel iyo Dhuusa mareeb, xarakada waxaa hor jooge ka ah wadaadka magaca dheer markii la joogo Dhuusa mareeb iy Gurecee ee loo yaqaano Macallin Maxamuud iyo laba wadaad oo asaga ay qaraabo yihiin. Taladda ASWJ ee ugu danbaysa waxay ka go’daa sedexdaas wadaad gaar ahaan macallin Maxamuud. Marka afka laga leeyahay ASWJ waa magac wayn oo huwan xasaanad xarako xoog badan oo saamayn ku leh Dhuusa mareeb laakiin waayihii danbe arrinku sidaas waa ka duwnaa oo ASWJ waxaa soo food saaray awood yari dhanka dhaqaalaha, ciidanka iyo siyaasadda ka dib markii waqtigii ku dheeraaday shacankii labadaas magaalana ay ka daaleen tuftooda aan lugu tanaadin iyo balan qaadyadooda aan bayr biyaa ka soo xasilin. ASWJ waxay gacanta ku dhigeen Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo heehaabaya waxayna ku soo dabeen N&N ayakoo ugu danbayntii 11/12/2019 wada gaaray heshiis ay labada dhinacba ku qasbanaayeen.

Xukuumadda laga tiroda badanyahay

Nabad iyo Nolol waa xukuumad laga tiro badanyahay: Marka aan leeyahay laga tiro badanyahay waxaan kala jeedaa; Nabad iyo Nolol waxay lumisay dhamaan saamileeydii siyaasadda dalka gaar ahaan maamuladdii iyo dadkii tayada lahaa ummadda Soomaaliyeedna sumcadda ku dhex lahaa, sidaas ayaan u isticmaalay erega ‘xukuumadda laga tiroda badanyahay’. Sida aan wada ognahay N&N waxaa iska casilay dad tayo iyo sumcad u saaxiib ah, dadkaas waxaan ka xusi karaa Drs. Maryan Qaasim oo is-casishay November 2017, iyo Amb. Daahir Maxamuud Geelle oo is-casilay May, 2019, waxaa asaguna December, 2018 iscasilay xildhibaan Cabdifittaax Geeseey dhamaantood N&N waxay waxay iscasilaadooda ku sababeeyeen in ay la cararayeen sharaftooda iyo sumcadooda dadkuna waxay u aqoon sanaayeen in ay haayeen dad waxaan u qaadmin diidi kara.

Dhanka kale R. Xassan Cali Khayre wuxuu si iskiis ah xilka uga qaaday wasiirro la sheegay in aysan dhulyaal ku dhex ahayn xukuumadiisa, wasiiradaas waxaa ka mid ah wasiirkii wax barashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo xilka laga qaaday July, 2018, iyo wasiirkii arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar oo asna xilka laga qaaday January, 2018,  labadaan shaqsi ee uu Raysulwasaaruhu xilka ka qaaday waxay ahaayeen kaadiriin tayo iyo magac u saaxiib ah lamana oga sababta Khayre xilka uga qaaday, sida badan waxaa la tuhunsanyahay in xilka looga qaaday in ay ahaayeen wasiirro aan u dabacsanayn raysul wasaaraha inta bandanna aan ka muuqan raysul wasaaraha agtiisa. In wasiir dal dhan xilka laga qaado sababtana aan la sheegin waxay caay iyo xadgudub ku tahay shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda N&N waxay xaafiiskii ka riixdeen April, 2018 gudoomiyihii hore ee baarlamaanka mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo ahaa rugcadaa dawlad yaqaan ah sababta ay uga reexiinna lama sheegin. Gabar aan asturnaan badanayn haddii lala soo dejiyo nin wadaad ah oo ajnabi ka ah shaki kuma jiro in uu hadba cawradeeda arkayo xalka kaliya oo gabadhaas iyo ninkaas lugu kala maarayn karaana waa in la kala raro oo ay laba irdood kala degaan, N&N waa ninman iska khaladaad badan waxayna ogaayeen in hadba Jawaari cawradooda arkayo sidaas ayayna iskaga rareen iridana uga xirteen si uu san cawradooda hadba u arkin. Jawaari wuxuu isku dayi jiray in u saxo N&N gaar ahaan markii wasiir Maareeye oo faraxsan oo kale uu u keeno baarlamaanka xeer uu san aad u soo fiirin Jawaari waa laadi jiray waana wax yaabaha ugu badan oo ay ku qoon sadeen.

Dhanka kale waxaa ayakuna jira dad khubaro ah oo aan hayn xilal sare ku waasoo aan saaxada siyaasadda uga muuqan sida wasiirada aan soo sheegnay laakiin Nabad iyo Nolol u hayey hawlo aan la dheyelsan karin kalana shaqayn jiray daaha gadaashiisa, waxaan ka xusi karaa oo laysla wada ogyahay marqaatina laga wada yahay Muna Al-sharmaa oo miriqdeeda la waayay ka dib markii Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Maxamed uu dhawr habeen ku dhaxay Nayroobi. Yaanan ka tegin in aan xuso in uu san raysulwasaare Khayre ku bedelan dad u dhigma dadkii uu xilka ka qaaday iyo dadkii iska casilay dhamaantood, dad ayaa ku dooda raysulwasaaruhu sidaas wuxuu u yeelay in uu ka dhigo saalootada golaha wasiiradda mid ka caagan xifaaltanka hal abuurka, kana dhigo goob aan si madaxbanaan loo fekerin, arrintaas waxay keentay in ay ku sii kordhaan xukuumadda culaysyada uga imaanaya quursiga iyo ku digashada ka imaanaysa siyaasiyiintii ka soo hor jeeda ee isu arka in ay ayaku bedeli doonaan.

Waxaa bilaabatay in N&N lugu tilmaamo xukuumad naxsan oo isku dhex yaacsan oo aan lahayn tayo iyo khibrad ay ku maarayso arrimaha dalka, madaxweyne Deni oo khudbad ka jeedinaya Garoowe 8/8/2919 ayaa ku tilmaamay madaxda xukuumadda dalka ka jirtaa in ay la mid yihiin ardo hadda jaamacad ka soo qalinjebiyay oo la yiri dad qalliin ku sameeya, hadalkaan wuxuu muujinayaa sida loo quursanayo N&N. Raysul wasaare Khayre asagaa xukuumadiisa u nuglaysay siyaasiyiinta ka soo hor jeeda markuu wasiiradiisa ka dhigiwaayay kuwo sumcad iyo tayo leh magacna bulshada ku dhex leh. N&N waxay gabtay in ay dood iyo garaysi ku goosato cadkeeda waxayna caado ka dhigatay in ay ciidansato ciidanka sharafta badan ee Soomaaliya oo mushaarku uu u soo maro N&N.

Xukuumadda raysulwasaare Khayre meeshii ay muraadka yeelato waxay gaysataa midiyo badan halkii ay gaysan leheed maskax iyo maan badan, N&N waxay muraad ka yeelatay Baydhabo sanadii 2018kii waxayna ciidan ku guraysay November illaa December oo doorashadu dhacday, sidoo kale N&N waxay muraad ka yeelatay Dhuusa mareeb waxayna ku gurtaa ciidamada Gorgor iyo Haramcaska oo ay hogaaminayaan taliyayaal wax ka gala goobaha gardarada ee aysan gartu oolin. Dhanka kale xukuumadda N&N waxaa ka maqan Maamullo mug iyo miisaan ku leh siyaasadda Soomalaiya sida Puntiland iyo Jubaland taasina waxay ku keentay in N&N ay dareemaan xasilooni la’aan iyo xulufo la’aan siyaasadeed ayna ismoodaan in aysan dalka ka wada arrimin.

Labada dhinac waxaa heshiiska ku riixay midba arrin u gooniya, sida aan soo sheegnay ASWJ waxaa heshiiska ku riixay awood darri soo wajahday haday ahaan leheed dhinac dhaqaale iyo dhinac siyaasadeed intaba. Dhanka kale N&N ayaka waxaa ku riixay heshiiska, waxay dareemeen in aysan haysan garbo badan sidaas darteed waxay ka raadinayaan miisaan xulufaysi iyo in ay iska yareeyaan culayska siyaasadeed ee ka haysta in loo arko xukuumad laga tiro badanyahay.

Nuxurka Heshiiska Xukuumadda laga tiroda badan yahay iyo Xarakada Xoogyaraysay

ASWJ heshiiska waxay bideen miciin waayo waqtiga ayaa ku dheeraaday waxayna lumiyeen awoodoodii dhaqaale, siyaasadeed iyo middii rabitaan ka bulshada, sidoo kale waxay lumiyeen cududoodii ciidan waayo dhallinyaradii caqiidada ugu dagaalami jirtay Macalin Maxamuud way baraarugeen oo waxaa soo gaaray xaqiiqadii taalay miiska gorgortanka Macalinka iyo Xukuumadda waxayna garteen in waxa loo dagaalamayaa aysan ahayn caqiido ee ay meesha ku jirto dan. Sida la sheego Macalin Maxamuud markii uu la gorgortamayo Nabad iyo Nolol wuxuu kalla hadlaa ilmihiisa iyo danaha xididkiisa iyo xigaaladiisa. Arrimahaan aan soo sheegnay waxay keeneen in ASWJ ay wiiqanto kuna qasbanaadaan in ay ka tanaasulaan waxyaabo badan oo aysan horay uga tanaasuli jirin waxayna qaateen 20xildhibaan, ayada lafteedu ma fududo oo gacan maran waydhaantaa waana meel ay ka gacan togaalaysan karaan maamulka loo soo dhisidoono Galmudug iyo dawladda dhexe.

Xukuumadda Nabad iyo Nolol cidna wax kuma darsato waliba waxay jeceshay in ay ka adkaato ciddii ay is qabtaan, wax xeelad ku soo galay waligood ma quudan sida uu sheegay wasiir hore Amb. Daahir Geelle, goobaha tartankana iskuma fiicna, intaas oo dhan ayadoo lugu yaqaanno in ay heshiis la gasho kooxda ASWJ waxbaa ku qasbay waana laba arrimood 1) Beesha caalamku ASWJ waxay u taqaanaa xarako qun-yar-socda ah oo aan ahayn xag-jir sidaas darteed cadaadis ayay ku saareen N&N in ay la heshiiyaan maadaaba ASWJ horay loo la galay dhawr jeer heshiisyo sida kii jabuuti iyo kuwo kale oo dalka gudihiisa lugula galay ayna u ekaadeen garab siyaasya oo dalka ka jira, ogaada haddii uu san M. Xaaf heshiisyo iyo wadda hadllo la galeen beesha caalamku halla qadariyo ASWJ ma dhahdeen. 2) N&N waxaa magac xumo iyo waji gabax ka soo raacay Baydhabo oo markii ay maamulka ka dhiseen ka dib ay noqotay in aqoonsi loo raadiyo M. Cabdicasiis Lafta gareen loogana raadiyo beesha caalamka taas ayay maanka ku hayaan waxayna is lahaayeen markaan ka fogaada wixii Baydhabo oo kale.

Nuxurka heshiisku waa sunno xun oo loo jidaynayo Galmudug iyo Soomaaliya waxaana galay xukuumad xeerinaysa wax horay u dhacay iyo xiriirka beesha caalamka iyo xarako xoog yaraysay waana mid ku salaysnayn dan gaara baahina aan loo qabin, Galmdug waxay ka dhexaysaa beelo, beelahaas ayayna tahay in lala galo heshiis. In N&N heshiis kula gasho sedex nin wax ay leeyihiin 11 beelood waxay ka turjumaysaa hab fekerka iyo aragtida madaxda manta jirta, waxaa xusid mudan in heshiiskaan Madaxwaynaha jamhuuriyaddu aad u la socday 20ka xidhibaanna asagu bixiyay halka raysulwasaaruhu muddo diidanaa

Saamaynta halista heshiiska loo ekaysiiyay

Heshiiskaan wuxuu halis ku yahay Galmudug iyo Soomaaliya oo idil wuxuuna ku yeelan doonaa Galmudug samayn xun, heshiiskaan waa sunno xun oo la jidaynayo waxaana daliishan doona cid kasta oo wax ku doonaysa si xun (dariiqanimo iyo jamhadnimo). Haddii ay Galmudug ama gobol kale oo Soomaaliyaa ay ka soo ifbaxaan xarakooyin kale ama kooxo kale ku waa soo isbidaya awood siyaasadeed waxay noqon doontaa in ay wax ku doonaan sidii ay wax ku dooneen ASWJ ka dibna loo yeelo wixii N&N ay u yeeleen xarakadaan ASWJ waayo waxay helayaan marmarsiyo iyo sunno xun oo horay loo jideeyay. Heshiiskaan ASWJ wuxuu siinayaa awood iyo fursad gorgortan waxayna ku carqaladayn doonaan maamulka hadda loo soo dhisi doono Galmudug iyo maamulka ka sii danbeeya kan hadda wasiir qarafaan soo amaamudayo arrintooduna waligeed waa taagnaandootnaa, intaas kuma ekaan doonto saamaynta ASWJ waxay waligood kula dhex jiri doonaan Galmudug carqalad siyaasadeed iyo sad bursi aan dhamaan waayo 20 xildhibaan waxay wax ka bedeli karaan natiijada codayn ay sameeyaan xilli codayn laga rabo. Heshiiska waxaa ku cad in 20ka xildhibaan ee la siiyay ay ku ekaan doonaan maamulkaan hadda la soo dhisayo laakiin sidaas ma dhicidoonto. Heshiiskaan waxaa galay dad aan ogayn in waagu beryayo. Macalin Maxamuud hadduu helo 20xildhibaan wuxuu Dhuusa mareeb ka eryi doonaa madaxwaynihii uu rabo wuxuuna keeni doonaa kii uu doono. Macalin Maxamuud oo jooga Dhuusa mareeb waa aar jooga kayn bahgooyaa oo aan lahayn geed lugu maato.      

Soomaliya: Heshiiskaan Soomaaliya wuxuu u geli doonaa taariikhda wuxuuna ku yeelan doonaa saamayn xun. Soomaaliya waxaa ka jira xarakooyin badan wax badan ayayna ka baran doonaan heshiiskaan, marka ay arkaan in ASWJ loo yeelay damacyadoodii ay ku doonayeen saamaynta siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa dhicidoonta in xarako walba iyo jamhad kasta  uu galo hammi iyo damac la mid ah midka ASWJ u meel maray. Doodo waxaa jira yiraahda “ASWJ way u qalmaan in la siiyo miqaam siyaasadeed waayo waxay gobolada dhexe ka difaaceen Al-shabaab”, doodaas waa mid jaban ASWJ waxay maamuleen Dhuusa mareeb iyo Guraceel kaliya mana difaacayn degmooyinka kale iyo tuulooyinka u dhawdhaw sida Baxdo Godinlabe iyo Docoleey. Dadka gobolada dhexe deegaanadooda waxay u difaacdaan qabiil qabiil, tuulooyinka aan soo sheegay waxaa difaacday qabiilada dega ayakana ha lugu abaalmariyo miiqaamka la siisay ASWJ waayo ayakuba waxay defaaceen degmooyinkii ay ka soo jeedeen, jufooyin badan ayaa difaacday tuulooyinkooda iyo degmadeeda halla abaal mariyo yaan la abaal marin sedexda wadaad kaliya.

Boosaaso waxaa 1991dii tagay uruka Al-itaxaad waxaana odoyaasha Boosaaso u dhiibeen dekedda Boosaaso waxaynaka qaadan jireen saami gaaraya 20% ururkaas oo ahaa mid aad u xoog badan oo dagaaladdii la ogaa la galay madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf maamulkii Puntland laga dhisay waxba lagama siin waxaana loo arkayay haddii kuraasbadan la siiyo in ay ayaku u arrimin doonaan Puntland, Soomaalilaan sidoo kale hadda waxaa ka jira jabhad uu hogaamiyo in la yiraahdo Janaraal Caarre madaxwayne Muuse Biixi kuma dhaco in uu kula heshiiyo saami siyaasadeed waayo maal ayka soo galaan maba jirto waxaan beelaa iska leh Galmudug waxay la mid tahay Puntland iyo Soomaalilaan mana ahan in loo gudoomiyo wax xun oo mustaqbalka ku keeni kara aafo siyaasadeed. Galmudug horay ayaa loogu sameeyay wax loogu yeeray raysul wasaare lugumana caano cabin oo waa la ogaa sidii beeluhu u sii kala fogaadeen in hadda waddo kale lugu sii furo waxay tusinaysaa sida aan wax wanaaga looga rabin Galmudug.

Gunaanad:

Nabad iyo Nolol waa in aysan ku adkaysan in ay maamulka Galmudug u jideeyaan sunno xun oo ay dhufaanaan (jabiyaan) ama aysan dhamaystirin halistaas lugu sheegay heshiiska, waana in arrinta Galmudug loo diro dad tayo leh loona madaxbaneeyo reer Galmudug arrimahooda lagana xishoodo dhaqanka reer Galmudug. Nabad iyo Nolol marin xumo iyo aqool xumo ayay isku darsadeen, dhaqankii reer Galmudug waxay ka adeejiyeen agaasimayaal aan xishoonayn.

Raysul wasaare Xassan Cali Khayre markii la magacaabay wuxuu soo dhisay xukuumad tayo leh oo ay ku jiraan dhawr sawiir oo u soo jiiday sumcad iyo magac, dhawr jeer ayuu ka dib wax magacaabay dhamaan magacaabisyada uu sameeyay maahayn kuwo lala dhacay, waxaan kula talin lahaa in uu dib u eego tayada wasiirada u jooga hadda. R. Khayre qofka wasiirkaa waa in uu san ku qaymayn muxuu adiga kuu gala, waa in uu ku qaymeeyaa muxuu dalka u galaa, wasiiradda xukuumadda N&N sida badan dalka waxba u ma galaan waxay wax u galaan R. Khayre kaliya.

Raysul wasaare Khayre waa in uu ka dhigo golaha wasiirada madal laysku naqdin karo ee uu san ka dhigin meel ka caagan wax iswaydiinta iyo ku tartanka fikirka hal abuurka iyo wax dhisidda. R. khayre waxaan kula talinlahaa in uu sanadaan soo socota isku dayo in uu ka khudbeeyo madal ay joogaan dad waxka diidi kara waxna su’aali kara, sedex sano ayuu ka soo khudbaynayay madal uu ogyahay in aysan jirin cid khudbadiisa waxka waydiin karta.

Qore: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
Contact: cccimaam@gmail.com
Www.Facebook.com/Honimaam
www.twitter.com/HonImaam

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid