Hey’addo gargaar oo baaq u diray Bangiga Barclays (War-Saxaafadeed)

Muqdisho (Caasimada Online) Sagaal hey’adood oo ah kuwa ka shaqeeya howlaha gargaarka ee dalka Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen waxa ay baaq ugu direen Bangiga Barclays, ee dalka Britain, kaasoo ku dhawaaqay in 10-ka bishan September oo ah berrri uu xiraaayo xiisaabadka xawalaadaha Soomaalida ee dalka UK.

War-saxaafadeedkan oo lagu soo beegay berri oo ah xilliga loo qabtay shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, ayaa hey’addaha waxa ay ugu baaqeen in uu joojiyo go’ankaas oo saameen ku yeelan doona kumanaan qof oo ku tirsan lacagaha ay soo diraan Soomaalida UK.

Sannadkasta waxaa la sheegaa in Soomaalida Britain ay u diraan dalka hooyo in ka badan 1-Milyan oo Bond, taasoo ka badan seddax jibaar lacagta Soomaaliya soo gasho.

Hey’addaha Care, Oxiform, Unicef, World Fission iyo kuwa kale ayaa ka codsaday bangiga Barclays in uu muddo sannad ah dib ugu dhigo go’aankan uu ku xiraayo xiisaabaadka shirkadaha Soomaalida.

Bangiga ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in lacagaha la soo marsiiyo shirkadaha xawaaladaha in ay gacanta ugalaan kooxo argagixiso sida Al-Shabaab.

In ka badan 1.3-Milyan oo dollar ayaa la sheegaa in sannad kasta ay u diraan Soomaalida qurbaha waddanada ay ka soo jeedaan ee Soomaaliya lacagtaas waxa ay ka badan tahay lacagta gargaar ahaan beesha caalamka u siiso.

Kala bar dadka Soomaalida waxa ay maalintii biishaan hal dollar, waxaana dalka 22-kii sanno ee la soo dhaafay aan ka jirin hannaan bangi oo la isku haleen karo.

Soomaaliya waxa ay hadda ku jirtaa xilligii ay iskeed isku taagi lahayd, waxaa dalka ka billowday dib u dhiska.

Lacagahan loo soo diro Soomaaliya waxaa loo isticmaalaa in ay ku maareeyaan cuntadooda, waxbarashada iyo wax yaabaha kale ee aasaasiga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho