Hobalkii caanka ee Axmed Cali Cigaal oo geeriyooday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee, hobolkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Axmed Cali Cigaal ayaa maanta ku geeriyooday dalka Mareykanka, halkaas oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku noolaa.

Geerida marxuumka ayaa murugo iyo tiiraanyo ku abuurtay bahda fanka Soomaaliyeed, qoyskiisa, asxaabtiisa iyo kumannaan qof oo muddo dheer ku riyaaqayay hal-abuurkiisa iyo doorkii uu ku lahaa horumarinta fanka Soomaaliyeed.

Axmed Cali Cigaal waxa uu ka mid ahaa haldooradii ugu magaca dheeraa ee fanka Soomaaliyeed, isaga oo caan ku ahaa heesaha, laxan-samaynta iyo tumista muusigga.

Intii uu ku jiray mihnadda fanka, wuxuu door muuqda ka qaatay kobcinta suugaanta iyo hiddaha Soomaaliyeed, isagoo laxan u sameeyay boqolaal heesood oo ay qaadeen fanaaniintii ugu waaweynaa dalka, halka qaar kalena uu codkiisa ku qaaday.

Taariikhdiisa

Marxuumka ayaa la sheegay inuu dabayaaqadii sannadihii 1940-meeyadii ku dhashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo.

Horraantii lixdamaadkii ayuu u guuray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashadiisa, isla markaana ay ka curtay hibadiisii faneed ee markii dambe ka dhigtay mid ka mid ah magacyada ugu waaweyn fanka Soomaaliyeed.

Socdaalkiisa fanka ayaa si rasmi ah u billowday sannadkii 1964, markii Raadiyow Muqdisho laga baahiyay heestii ugu horreysay ee uu qaaday, taas oo cinwaankeedu ahaa “Bari iyo Galbeed, keebaa na baantay?”.

Heestaasi waxay si weyn u soo jiidatay dhageystayaasha, waxayna u noqotay albaabkii uu kaga dhex muuqday fagaaraha fanka Soomaaliyeed.

Kadib wuxuu ku biiray Dugsigii Muusigga Qaranka, halkaas oo uu si cilmiyaysan ugu bartay muusigga, laxan-samaynta iyo farsamooyinka fanka.

Hibadiisa ayaa si degdeg ah u soo ifbaxday, isagoo laxan u sameeyay ruwaayado badan oo caan baxay, sida “Talo iyo Tallaabo,” “Yaxaas Dhagaduub” iyo “Shabeelnaagood,” kuwaas oo raad weyn ku reebay masraxyadii fanka Soomaaliyeed.

Muddo ka badan nus qarni ayuu Axmed Cali Cigaal ka tirsanaa Hobollada Qaranka Waaberi, isagoo ka mid noqday tiirarkii ugu muhiimsanaa kooxda. Intii uu halkaas ka howlgelayay wuxuu curiyay laxamo badan oo noqday astaamo lagu xusuusto fanka Soomaaliyeed, kuwaas oo weli si weyn loo dhegeysto.

Heesaha uu laxanka u sameeyay ama uu ka qeyb qaatay waxaa ka mid ah Batalaale, Candaliibka, Raad Abeeso, Dadnimada Aqoonso, Galaydh, Feejignow, Haasaawe, Gayaan, Gacallo iyo Caraweelo, kuwaas oo dhammaantood ka mid noqday kaydka dahabiga ah ee fanka Soomaaliyeed. Hal-abuurkiisa ayaa lagu tilmaamaa mid saameyn weyn ku yeeshay jiilal badan oo fanaaniin ah.

Geerida Axmed Cali Cigaal ayaa ka dhigan luminta haldoor qaran oo door weyn ku lahaa horumarka suugaanta, muusigga iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Bahda fanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga tacsiyeynaya geeridiisa, iyagoo xusuusan doona kaalintii uu ku lahaa kobcinta hiddaha iyo fanka dalka.

Marxuum Axmed Cali Cigaal wuxuu ka tegay dhaxal faneed oo qani ah, kaas oo sii noolaan doona jiilasha soo socda. Laxamadiisii, heesihii uu qaaday iyo kaalintii uu ka qaatay horumarinta fanka Soomaaliyeed ayaa ka dhigaya magac aan si fudud uga bixi doonin taariikhda fanka Soomaaliya.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News