Hoggaamiye Shabaab ah oo laga baadi goobayo Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay gudaha dalkaasi ka baadi goobayaan hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shaabab.

Hoggaamiyaha la raadinayo ayaa waxaa sirdoonka Kenya ay magaciisa ku sheegeen Cabdullaahi Banaati, sidoo kalena waxa ay Qabiilkiisa ku sheegeen Gaaljecel.

Waxa kale warbixinta ka soo baxday Booliska Kenya lagu sheegay in ninkaasi uu hoggaamiyo koox xiriir la leh Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa gudaha dalkaasi.

Sidoo kale ciidamada Booliska Kenya ayaa ninkaasi ku eedeeyey inuu mas’uu ka ahaa qarax miino oo dhowaan ka dhacay meel ku dhow xuduuda Soomaaliya, kaas o lagu dilay 11 Askari oo ka tirsanaa Booliska dalkaasi.

“Baaritaanada la sameeyey ayaa muujiyey in Banaati uu madax u yahay Kooxda ka dambeysay qaraxii miino ee lagu dilay dhowaan 11-ka askari, kuwaas oo lala beegsaday, iyagoo ka soo tagey xerada HarHar Camp.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.

Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa ka dhacay deegaanka Degow oo dhaca waddada xiriirisa Libooya iyo Damajaale, xilli ay howlgal roondo ah ku jireen ciidankaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xaafiiska Nairobi
Caasimada@live.com