Hooyo Ruqiyo: Wiilkeyga waa la ila hadal siiyey wuuna bad qabaa, DF Somalia way mahadsan tahay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Ruqiyo Sahal Cangul Afyare oo markale soo duubtay muuqaal ayaa ka hadashay arrimo ku aadan xaaladda wiilkeeda oo dhowaan ay shaacisay inay la’dahay, balse loo sheegay in tababar ciidan loogu qaaday dalka Eritrea.

Hooyo Ruqiyo oo wejigeedu uu ka duwanaa midkii hore, islamarkaana farxad laga dheehan karay ayaa sheegtay in lala hadalsiiyey wiilkeeda, isagoo caafimaad qabo.

“Wiilkeyga waan la hadlay wax dhib ah ma qabo ayuu dhahay, Ilaaheybaa mahadaas iska leh.” ayey tiri Hooyo Ruqiyo Sahal Cangul Afyare.

Ma shaacin halka la geeyey ama dalka tababarka loogu qaaday, balse waxa ay ka dhawaajisay in isaga iyo asaxaabiisa ay nabad qabaan.

Hooyadaan oo hadalkeeda sii wata ayaa tilmaamtay in arrintaan ay ku timid, kadib markii uu la soo xariiray sarkaalkii ay horay uga cabaneysay, kaas oo ugu dambeyn la hadashiiyey wiilkeeda oo ahaa 19 jir arday ahaa, balse tababar ciidan loo qaaday.

Sidoo kale, Hooyo Ruqiyo ayaa xustay in haatan ay faraxsan tahay, islamarkaana ay u mahad-celineyso dowladda Soomaaliya oo ka jaawabtay cabashadeeda.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday Waalidiinta kale inay is dajiyaan, iyadoo ugu niyad qaboojisay in wiilashooda ay caafimaad qabaan, si la mid ah wiilkeeda.

Hoos ka daawo Hooyo Ruqiyo