Xog: Amiirka Al-Shabaab oo ka badbaaday 2 shirqool oo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Hogaamiyaha guud ee maleeshiyaadka Al-shabaab Axmed Diiriye uu ka badbaaday qorsho la doonaayay in lagu khaarijiyo.

Qorshaha ayaa la sheegay inuu ahaa in lagu khaarijiyo duqeyn, halka shirqoolka labaad uu ahaa mid miino loo dhigay.

Horjoogaha maleeshiyada Axmed Diiriye, ayaa waxa uu khilaaf adag kala dhexeeya inta badan Saraakiisha ugu sareysa Kooxda, waxaana lasoo warinayaa in cabsi xoogan ay ka heysato dhanka Saraakiishaasi.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Axmed Diiriye, ay shirqoolkaasi u maleegen xubno ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah, kuwaasi oo qaarkood xabsi la dhigay.

Khilaafka ugu badan ayaa ah mid ka dhexeeya Axmed Diiriye iyo Ninka lagu magacaabo Mahad Karataay, waxaana iminka la sheegayaa in Hogaamiyaha uu asbuuciiba mar iska bedelo ilaalada kalsooni darro kaga imaaday dhanka Saraakiisha kale aawgood.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili ay maleeshiyada u kala jabeen dhowr qeyb kuwaasi oo siyaabo kala duwan uu dagaal u dhexmaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com