Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo maanta la khaarijiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dishay Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid ay baadi-goobi jirtay dowlada Somalia.

Dowladu waxa ay sheegtay in Horjoogahaasi lagu dilay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Kenya kuwaasi oo xogta weerarka la wadaagay wardoonkooda.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jumca Muxamed Jakarta, balse waxaa loo yaqaanaa Modi Tulia.

Dowladu waxa ay sheegtay in Howlgalka Horjoogahaasi lagu dilay uu ka dhacay Deegaanka Kwale oo ka tirsan Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Dowlada Kenya waxa ay sidoo kale sheegtay in dilka Horjoogahaasi kadib ay howlgal ka fuliyeen hooygiisa iyaga oo halkaasi kasoo saaray Hub u badnaa Bambooyin.

Horjoogahaani Shabaab ka tirsan ee la dilay ayaa la sheegay inuu dhawaan tababar sare ku qaatay gudaha Somaliya, kadibna uu dib ugu laabtay Kenya si uu howlgalo u fuliyo.

Hooyga Horjoogahaasi ayaa waxaa sidoo kale laga soo xiray Labo ruux oo ay walaalo ahaayen.

Dhanka kale, Horjoogaha la dilay ayaa ka qeybqaatay dhowr weerar oo ay maleeshiyada ka fulisay gudaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com