Horjooge si aad ah loo baadi-goobayay oo si sahlan lagu khaarijiyay (Magaca +Xilka)

Muqdisho (Caasimada Online)-Howlgalo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ka fuliyeen deegaano hoostaga Gobolka Sh/Hoose, ayaa waxaa lagu khaarijiyay Guddoomiyihii maleeshiyaadka Al-shabaab ee Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sargaal u hadlay ciidamada AMISOM ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku khaarijiyeen Guddoomiyaha waxa uuna tilmaamay in lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan.

Sargaalka waxa uu sheegay in sidoo kale howlgalka ay ciidamada kusoo furteen Hub farabadan oo ay lahaayen Al-shabaab waxa uuna farta ku goday inaanu howlgalka ku ekaan doonin kan.

Guddoomiyaha Maleeshiyada ee la dilay ayaa la sheegay in lala dilay dagaalyahaano kale oo dhowr ah waxa uuna Sargaalkaani cadeeyay in howlgalka uu ahaa mid lagu guuleystay.

Dhinaca kale, Ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa dhowr Jeer weeraro ka fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com