Hoteelada Muqdisho oo ay cabsi soo wajahday kadib weerarkii HOTEL SAXAFI

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxyadii Maalintii Jimcaha ahaa lala beegsaday Hotel Sahafi ee Magaalada Muqdisho ayaa keenay cabsi cusub oo soo wajahday Hoteelada u yaalo Jidka Makka Al-Mukarama iyo Xeebta Liido.

Hotelada ku yaallo xayndaabka wadada Maka Al-Mukarama ayaa lagu soo kordhiyay illaalo hor leh, taasi oo muujinaysa inay ku jiraan xaalad feejignaan dhanka ammaanka ku saabsan, maadaama ay ka cabsi qabaan inay weeraro kala kulmaan Shabaab.

Wadada Maka Al-Mukarama iyo Xeebta Liido oo badi ay ku yaallaan Hotelo waqti nasiino lagu qaato oo masuuliyiinta dowladda ay tagaan, ayaa shalay lagu arkaayay ciidamo dheeraad ah oo aan aheyn kuwa dowladda, balse ah illaalada Hotelka oo la kordhiyay.

Hotelada qaar ayaa durba bilaabay inay sii laba jibaaraan caro tuurka ku xayndaaban, si haddii weerar gaadiid loogu soo qaado ay u yaraato khasaaraha maaliyadeed ee ka soo gaari kara weerarkaasi.

Halista ugu badan ee ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxa ay ka jirtaa Hotelada ku yaallo Magaalada oo beegsi u noqday Al Shabaab, kadib markii Jimcihii saddex gaadiid oo qaraxyo ay ka buuxaan ay ku weerareen kaliya hal Hotel oo ku yaallo bartamaha Magaalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya Hotelada qaar ee aysan weerarin Al Shabaab inay bixiyaan qarash aad u badan, taasi oo u sahleysa inaysan weerar kala kulmin dhanka Ururka Al Shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa Hoteelada qaar ka qaadato lacag baad ah waxayna ku war geliyaan inaysan soo weerari doonin.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa ah mid dayacan, waxaana Al-Shabaab u suurta gashay inay hal maalin seddex qarax ka fuliyaan Magaalada Muqdisho inkastoo uu fashilmay weerarkii ay ku qaadeen Hotelka kadib markii banaanka lagu toogtay dhammaan dadleydii weerarka soo qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay dadaaladii ay ku sugeysay Amniga Muqdisho kadib markii ay arrintaas cabasho kasoo gudbiyeen shacabka Muqdisho oo sheegay inay dhib ku qabaan baarista ay ciidamada ka sameenayeen Gudaha Magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com