Hub, Haween & Mas’uuliyiin Muqdisho lagu Xiray iyo arrin la isweydiinayo

Muqdisho (Caasimada online) Kadib Howlgal ay  ciidanka Booliiska iyo kuwa Nabadsugida ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay todobo ruux oo midi haweenay tahay iyo waxyaabaha qarxa sida wara aan heleyno ay sheegayaan .

Sarkaal sare oo dowlada Soomaaliiya ka tirsan ayaa Caasimada Online wuxuu u sheegay indadkii ay soo qab-qabteen ay ku jirtay gabar sida la tilmamay dhawaan ka timid magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Dadkaan ayaa warar aan heleno waxay tilmaamayaan in laga Soo qab-qabtay guri ku yaala degmada Shibis ee gobolka banaadir oo uu sida la sheegay leeyahay Mas’uul ka tirsan maamulka Degmadaas .
Hub ay ku jiraan Hoobiyayaal iyo sidoo kale walxaha qarxa oo gurigaasi yaalay , kuwaas oo sida la tilmaamay shabaabku ay hubka ku keydsan jireen , waxaana wararka qaar ay sheegayaan in markii xabsiga la dhigay qaarkood la sii daayay.

qaar ka mid ah xubnaha la qabtay ayaa magacyadooda waxay kala yihiin sida:-

  • Maxamuud Axmed shiikh Axmed
  • Fiidoow Axmed Guud Cade
  • Gudoomiyaha tabeelaha 1-aad iyo laanta 1-aad waaxda afaraad oo lagu magacaabo Muuse Guure Maxamed
  • Faarax Maxamuud Maxamed
  • Yuusuf Cali Shariif

Raadiyaha dowlada wuxuu sheegay in qoriga la tilmaamay inuu yiilay guriga balse iyadu aysan aqoon u laheyn , inkastoo haweeneydan looga haki qabo inay shabaab ka tirsan tahay, saraakiihuna waxay sheegayaan inuu jiro tuhun badan.

Su’aha  la is weyndiinayo waxay tahay maxa xilligan keenaya in Mas’uuliyiin heer degmo lagu tuhmo inay shabaabku xiriir uu kala dhexeeyo , taas oo dadka inta badan walaac kusii auureysa sida dadka qaar ay inoo sheegeen .
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com