IGAD oo shaacisay XAALAD adag oo kusoo wajahan dalal Soomaaliya ay ku jirto

Nairobi (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa shaaciyay in dalal ay ku jirto Soomaaliya ay ka dhici doonto roob yari baahsan, taasi oo ay sheegtay saadaasha cimilada IGAD in laga sii taxadaro.

Shir kusoo geba-gaboobay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayay afartii maalmood ee lasoo dhaafay arrimaha isbadalka cimilada waxa lagu gorfeeyay arimaha isbadalka cimilada iyo saameynta ka dhalan karta.

Shirkaaas oo ay ka qeyb galeen quburo kala duwan oo ka kala timid inta badan dalalka Caalamka oo qeyb ka ahayd dowladda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ay ka dhici doonto xaalad roob yaraan ah, sidaas darteed loo baahan yahay in laga sii taxadaro xaaladaha nololeed ee ka dhalan kara roob yaraanta la saadaalinayo.

Saadaasha cimilada ee IGAD ayaa waxay sheegaysa in bilaha March, April iyo May ee sanadkaan 2023-ka in roobabka la filayo ay ka yaraan karaan boqolkiiba lixdan.

Masuuliyiinta ka socotay dowladda Soomaaliya ee qeybta ka ahaa shirkaan ayaa sheegay inay arrintaan sii adkeyn karto abaaraha haatan ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Saadasha IGAD ayaa imaneysa, iyada oo abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaartay heerkii ugu sareeyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, taasi oo saameynta ugu daran ee abaarta ay ku yeelatay dadka xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah.

Si kastaba, arrintaan ayaa waxay uga sii dari doonta xaaladda Soomaaliya oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay shacabka Soomaaliyeed ay la daala-dhacayeen xaalado nololeed oo is biirsaday oo ka dhashay roobabkii Gu’ga iyo Deyrta oo xiliyadii la filanaayay aan ka da’in gudaha dalka.